Madaxweynaha Somaliland Oo Shahaado Sharaf Ka Gudoomay Dallada Guud Ee Jaaliyadaha Somaliland ee Yurub (SSE)

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha oo ay maanta Xafiiska ku qaabiley Dallada guud ee jaaliyadaha Somaliland ee yurub (Somaliland Society Europe)kana gudoomay abaal-marin ay ku maamuuseen madaxweynaha Qaranka Somaliland, abaal-marintaasi oo ahayd shahaado sharaf ay ugu magac dareen tanaasulkii doorashadii madaxweynuhu 2003, kaga tegay 80 ka cod isagoo eegaya danta shacbiga Somaliland iyo ta qaranka Somaliland.

Taas oo noqotay go’aan taariikhi ah oo qof walba oo reer Somaliland ahi aanu marnaba ilaawi Karin noqotayna mid qarankan u soo hoysay sumcad iyo indhaha beesha caalamka oo la dhacay go’aankaasi madaxweynuhu qaatay wakhtigaasi, iyadoo ay ku soo beegantay shahaadaddani wakhti uu madaxweynuhu mar kale sameeyey taariikh kale oo ma guurto ah, kagana tanaasulay tartanka hoggaanka dalka hal xili teeran oo uu madaxweyne ka yahay Somaliland, balse uu u gartay inuu kursiga baneeyo si ay shacbigu u soo doortaan madaxweynihii bedeli lahaa isaga.

Madaxda sare ee Dallada ka socday ayaa kala ahaa:

  1. Cabdilaahi Axmed Yuusuf (Xeef) Gudoomiye
  2. Eng Maxamed-jibriil Axmed Balayax
  3. Cabdiraxmaan Cabdilaahi (Awliyo.
  4. Marwo Foosiya Maxamed Ismaaciil.

 

Halkan ka daawo warkan:

Naasir Yuusuf Daahir 

Director Presidential of Media

Hargeisa – Republic of Somaliland

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.