Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Burco Kala Qaybgalay Isu-soo Baxa Ololaha Doorashada Madaxtooyada Dardaaran Dhaxal-gal Ahna U Laqimay Kumanaan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Ka Mid Ah

Burco – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta khudbad ka jeediyey fagaaraha Khayriyadda ee magaaladda Burco, kulan isu soo bax ah oo ay isugu yimaadeen taageerayasha Xisbiga Kulmiye.

Madaxweynaha ayaa fagaaraha kala hadlay dadweynaha waxaanu u jeediyey khudbad uu kaga dalbanaayey dadweynaha gobolka Togdheer inay codkooda siiyaan Musharaxa madexweynaha ee xisbiga Kulmiye, muddane Muuse Biixi Cabdi.

Khudbadda madaxweyne Siilaanyo ayaa u dhignayd sidan:

Dhammaan Taageerayaasha faraha badan, ee Xisbiga KULMIYE, ee isugu soo-baxay, Fagaaraha Khayriyada Burco, waxaan idiin soo gudbinayaa salaan Xambaarsan Nabadgelyo iyo Naxariis Eebe “Asalaamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatuhu”.

 

Mudanayaal iyo Marwooyin,

 

Farxad weyn bay ii tahay, in aan saaka, dib ugu soo noqdo goobtan, oo ay iigu dambaysay, wakhti aad u dheer. Xasuus dheer, ayey igu leedahay khayriyadan Burco, oo aan Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye, wakhtiyo badan, oo kala duwan, kala hadli jiray, aniga oo ah Musharax Madaxweyne. Eebe Mahaddii, maanta waxaan idin hor-joogaa, aniga oo ah Madaxweynihii Qarankan, isla markaana, aan naf-tayda cuud, cod iyo cudud toonna, idiinka rabin.

 

Xilkan Madaxweyne, ee aan wareejin doono muddo yar ka dib, kuma iman xoog iyo xeelad toona. Hase-yeeshee, waxaan ku haaneeday codkii ay ii hibeeyeen Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE, ee Lixda Gobol Doorasho ee Dalka, ku kala sugan. Dhacdadan taariikhiga ahi, waxay saamayn ku leedahay, noloshayda qayb ka mid ah, isla markaana maaha, mid aan abidkay ilaawi karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.