Madaxweynaha Somaliland oo Munaasibad Sagootin ah Ku Macasalaameeyey 380 oo Arday oo Deeq Waxbarasho Ka Helay Dalka Itoobiya

Hargeysa -(warsoor)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa qasriga madaxtooyada munaasibad sagootin ah ugu sameeyey 380 (Saddex boqol iyo siddeetan) arday reer Somaliland ah oo deeq waxbarasho jaamacadeed ah ka helay dalka Itoobiya.

Munaasibaddan sagootinta ah ee uu madaxweynuhu u sameeyey ardayda deeqda waxbarasho ka heshay dalka Itoobiya oo ujeeddadeedu ahayd dhiirrigelinta ardayda deeqda heshay iyo sida ay xukuumadda uga go’an tahay inay garab gasho da’yarta tacabka waxbarashada ku hawllan, ayaa waxa kala qayb-galay madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), ku-xigeenkiisa, Mudane Cabdiqaadir Maxamuud Sheekh Muxumed (Dhego-weyne), guddoomiyaha jaamacadda Hargeysa, Dr. Maxamed Yuusuf Muuse, xubno kamid ah golaha wasiirrada, saraakiil ka tirsan bahda waxbarashada, dhammaanba ardayda deeqda waxbarasho ku guulaysatay, waalidiintooda iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagula dardaarmay ardayda, laguna adkeeyey inay u dhabar-adaygaan caqabad kasta oo ka hortimaadda muddada ay waxbarashada ku jiraan.

Xukuumadda Somaliland, ayaa iyadu dhabarka u ridatay dhammaanba kharashaadka ku baxaya ardayda deeqda waxbarasho ka heshay dalka Itoobiya, kuwaas oo maalmaha soo socda madaarka Hargeysa ka raaci doona diyaarado ay xukuumaddu u kiraysay.

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon) oo munaasibadda sagootinta ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay inay dal ahaan hanteen mid kamid ah deeqihii ugu ballaadhnaa ee abid la siiyo Somaliland, islamarkaana ay ahmiyad gaar ah siiyeen ka wasaarad ahaan, waxana uu yidhi, “Deeqdani waa mid muhiim ah oo dalkeennu baahi weyn u qabo, waxana aynnu siinnay muhiimad gaar ah, maadaama oo ay tahay tii ugu baaxadda weynayd ee dalkeennu dibadda ka helo, sidoo kale waxa aannu aaminsannahay inay tahay tii ugu horraysay ee aynnu sideeda uga faa’iidaysan doonno.”

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu bulshada u faahfaahiyey hannaanka caddaaladda iyo sinnaanta ku salaysan ee ay u qabiyeen deeqdan oo sidii ugu habboonayd ugu qaybiyeen dhammaanba gobollada dalka, islamarkaana ay ka qaybgeliyeen dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba, “Soo xulista waxa aannu u raacnay hab caddaalad ku salaysan, waxana aannu ku salaynay qoondo ama saami aannu u qaybinnay dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay, saamigaas oo aanu kuwa dawladda siinnay 70% (boqolkiiba toddobaatan) iyo 30% (boqolkiiba soddon) aannu siinay kuwa gaarka loo leeyahay, waxa kale oo aannu qoondadaas ku salaynay tirada ardayda imtixaanka u fadhiisatay oo gobolaysan, annaga oo sidoo kale ku salaynay derejada deeqda halbeegga looga dhigay oo ah derejada ‘B’, markii aannu habkaas raacnayna waxa noosoo baxday sida wax loo kala helay,” ayuu yidhi wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda lagu sagootinayey ardayda deeqda waxbarasho ka heshay dalka Itoobiya, ayaa si kal iyo laab ah u bogaadiyey ardayda waxbarashada u baxaysa, isaga oo waalidiinta kusoo tacabtay iyo qarankaba hambalyeeyey.

Madaxweynuhu waxa uu sharraxay qiimaha ay waxbarashadu leedahay iyo sida ay lagama maarmaanka ugu tahay horumarka bani’aadumku higsanayo, isaga oo tilmaamay inay xukuumad ahaan si buuxda u garab taagan yihiin dhallinyarada dalka,“Ummaddu haddii ay doonayso inay horumarto oo ay caafimaad hesho oo ay doonayso inay biyo nadiif ah ah hesho oo ay doonayso inay how wanaagsan hesho oo ay doonayso inay nolo ka wanaagsan ta ay ku jiraan hesho, waxa qudha ee ay ku gaadhi kartaa waa tacliinta, sidoo kale tacllintu waxa ay wax ka tartaa horumarka dalka, xagga cilmiga iyo xagga dhaqankaba, waayo qofku marka uu wax barto maskaxdiisii wuu ka shaqaysiinayaa, way ballaadhanaysaa, waxa loo baahan yahay buu arkayaa, sidoo kale sida uu  mujtamacu isu dhexgalo ayey wax ka tartaa, waayo dadka aqoonyahanka ahi way ka gudbaan waxyaalaha xidhxidha ee qabyaaladdu kamid tahay, qofka aqoonyahanka ahina wuu ka gudbaa qoys iyo gobol oo heer qaran buu tagaa, marka dambena aduunka oo dhan buu ka fikiraa, idinkuna halkii ugu sarraysay baad tegaysaan, dalkuna wuu idin sugayaa, xukuumad ahaanna waxa naga go’an inaanu mustaqbalka dhallinayrada xoog saarno, wixii dedaal ahna intii itaalkayagu yahay aannaan waxba kala hadhin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Ardayda la diray oo isugu jira wiil iyo hablo, ayaa kala tegi doona 14 (Afar iyo toban) jaamacadood oo dalka Itoobiya ku yaalla, soona baran doona takhasusyo kala duwan oo ay jaamacadahaasi bixiyaan.

Wa-bilaahi Tawfiiq

— 

 

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.