Madaxweynaha Somaliland Oo Magacaabey 9 Agaasime Guud

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wareegto ka soo baxday Madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexan yahay madaxweyne Muuse Bixii Cabdi ayaa lagu shaaciyey magacaabista 9 agaasime guud oo loo magacaabay wasaarado iyo hay’adaha dawliga ah qaarkood.

Wareegtaddan madaxweynaha ayaa u dhignayd sidan:

WAREEGTOOYIN MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-443/012020 iyo JSL/XM/WM/222-444/012020, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegtooyin Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Amaal Cabdi Xasan

       Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada

Ku: Maxamed Aadan Xirsi,

      Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaa Qaranka.

MAGACAABID:-

Markaan Arkay:               Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

TirMagacaXilka
1.Cabdinaasir Axmed Xirsi MaxamedAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga
2.Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Muxummed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska
3.Cabdirisaaq Jaamac Nuur NaakhuudeAgaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
4.Maxamed Yuusuf IsmaaciilAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta
5.Axmed Cabdi Ismaaciil CaqliAgaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha
6.Cabdiwaasac Maxamed YuusufGuddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada
7.Axmed Cabdirisaaq DiiriyeAgaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka
8.Maxamed Axmed Xasan (Jabarti)Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaaradda
9.Maxamuud Ismaaciil CilmiAgaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.