Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Laba Degmo iyo Iscasilaad oo ka diiday gudoomiye Degmo

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa digreeto madaxweyne ku magacaabay laba degmo, sidoo kalena waxa uu iscasilaadii ka diiday guddoomiyihii gobolka Hawd.

Halkan ka daawo digreetadan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu caawa wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5053/102017 uu ku magacaabay laba degmo oo kala ah, Nasiye iyo bohol. Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu istiqaaladii ka diiday gudoomiyihii gobolka Hawd.

Ø  Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:                    Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey:            Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

Markuu Tixgeliyey:            Baahida loo qabo in Degmooyinka Nasiye iyo Bohol loo magacaabo Degmooyin cusub;

Markuu Dhegeystay:         Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha; 

Wuxuu go’aansaday;

  1. In uu Nasiye u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.

2 In uu Bohol u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sool. 

Ø  Ujeeddo:       Diidmo Iscasilaad

Ku:      Mudane, Ibraahim Xaaji Cali Xasan,

Guddoomiyaha Gobolka Hawd                                                               Balligubadle

Mudane Guddoomiye,

Anigoo tix-raacaya go’aankaaga aad warbaahinta ku baahisay oo ku saabsan  istiqaaladda Xilka Guddoomiyaha Gobolka Hawd ee aad iska-casishay.

Haddaba Guddoomiye, ugu horreyn waxaan aad kuugu mahadinayaa xilkasnimada aad muujisay muddadii xilka Guddoomiyaha Gobolka Hawd aad haysay. Sidaa darteed, waxaan kula socodsiinayaa in aan kaa diiday istiqaalada aad  xilka Guddoomiyaha Gobolka Hawd.

Waxaan kuu rajaynayaa in aad si hufan u gudato waajibaadka Qaran ee laguu xil saaray, isla markaana aad si laban-laabto dedaalka iyo doorka weyn ee aad ka qabatay Gobolka Hawd ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

 Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.