Madaxweynaha Somaliland oo Labadda Gole Khudbad Ka Hor Akhriyey iyo Heshiiskii Saldhiga Milatari oo La Ansixiyey

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa saaka hor tagay labadda Gole Qaran ee Somaliland fadhigan oo uu madaxweynuhu dalbaday si uu khudbad wadda jir ah ugu jeediyo labada gole, lana horgeeyo heshiiska saldhiga milatari.

Fadhiga oo ahaa mid aad u kacsan oo ay xildhibaanadda mucaaridka ahi si aad ah uga soo horjeedeen saldhiga milatari ee la doonayo in heshiiskiisa la horkeeno labada gole si ay si duuduub ah u ansixiyaan.

Ujeedada kulankan oo ahaa in lagu ansixiyo heshiiska ay xukuumaddu doonayso in lagu dhaqan galiyo dhismaha saldhiga milatari ee ay dawladda imaaraadka carabtu doonayso inay ka dhisato magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil.

Xildhibaanadda Golaha wakiiladda ayaa loo qaybiyey nuqul lagu sheegay inuu yahay heshiiska dhismaha saldhiga milatari, balse xildhibaanadda ayaa sawaxan dheer ku sheegay in aanu heshiiskani ahayn kii rasmiga ahaa ee loo soo gudbiyo golaha ka rasmiga ah.

Labadda Golaha ayaa si duuduub ah ku ansixiyeen  heshiiska saldhiga milatari, fadhigan ay hadheeyeen xildhibaanadda muxaafidka ah ee labadda gole.

Heshiiskan waxaa la sheegay in ay ogolaadeen 144 xildhibaan, waxaa ka aamusay 2 xildhibaan, waxaa diiday 5 xildhibaan, waxaan codayn 1 xildhibaan.

Halkan ka daawo khudbadii madaxweynaha Somaliland ka hor jeediyey labada Gole:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.