Madaxweynaha Somaliland oo kulan la yeeshay Ururada Bulshada Rayidka ah ee Somaliland

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08.11.2017 uu kulan la qaatay ururada bulshada rayidka ah ee  Somaliland, waxaanu madaxweynuhu ku yidhi “Aad baan ugu faraxsanahay kulankan saaka aad igu timaadeen. Waxaan idiinka mahadnaqayaa war-bixinta iyo talada balaadhan ee aad ii soo jeediseen. Waxaan idiinku hambalyeynayaa dedaalka weyn iyo doorka aad ka qaadataan ilaalinta danaha guud iyo u adeegidda ummadda.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan aamisanahay, in bulshada rayidka ahi ay kaga jirto kaalin muq leh geedi-socodka dimuqraadiyadda, adkaynta nabadgelyada, wacyigelinta bulshada iyo baadi-goobka aqoonsiga Somaliland. Waxaan soo dhaweynayaa, talooyinka iyo tilmaamaha aad ii soo jeediseen.

Ugu dambayn, waxaan idin kula dardaarmayaa in aad dedaalka laban laabtaan, isla markaana aad gacan weyn ka geysataan sidii dalkan ay uga qabsoomi lahayd doorasho xor iyo xalaal ahi.

Markii kulankaasi soo afmeerayna waxa saxaafadda la hadlay xubno ka mida ururada bulshada iyo afhayeenka madaxtooyada JSL.

Naasir Yuusuf Daahir 

Director Presidential of Media

Hargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.