Madaxweynaha Somaliland oo Kulan La Qaatay Odayaasha Gobolka Togdheer, Xadhigana Ka Jaray Mashaariic Muhiima

Burco – (warsoor) – Weftigii Madaxweynuhu hoggaaminaayey oo maalintii sagaalaad ku guda jira socdalkii la magac baxay Tabantaabo ee xaalada abaarta la xidhidhay oo xalay u hoyday magaalo Madaxda Togdheer ee Burco ayaa saaka kulan balaadhan la qaatay odayaasha, aqoonyahanka, xildhibaanada iyo waxgaradka  gobolka qaar ka mid ah oo ay ka wada hadleen xaalada guud iyo gaar ahaaneed ee gobolku ku sugan yahay, waxaanu kulankaasi ahaa mid ku dhamaaday is fahan iyo guul.

Markii kulankaasi dhamaaday madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray wado laami ah oo dawlada hoose ee burco ka hirgelisay gudaha magaalada, sidoo kale madaxweynuhu waxa uu xadhiga ka jaray xarunta ugu weyn geeska afrika iyo Somaliland oo ay shirkada Hass-Petroleum ka dhistay badhtamaha magaalada burco, taas oo noqonaysa in shirkada Hass Petroleum ay waddankii saddexaad ee Afrika ah ku yeelato xarun caalamiya, waxaana nasiib u heshay magaalada Burco ee Gobolka Togdheer ee Somaliland inay noqoto laanta koowaad.

Waxa Kale oo uu madaxweynuhu Xadhiga ka jaray hotel casri ah oo laga dhisay Waqooyiga Magaalada Burco, kaasoo ah hotel aanay magaaladu noociisa hore u  yeelan laguna magacaabo Kaafi Aluminum.

Ugu dambayntiina Madaxweynuhu waxa uu deeq raashin kala duwan oo ka kooban shan gaadhi oo xamuul ah, una dhiganta 1,500 oo qoys, kala wareegay Maayarka maayarada Degmooyinka Somaliland ama Maayarka Caasimada Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo hogaaminayey maayarada Dalka oo shirkii maayaradu uga socdo magaalo madaxda labaad ee dalka ee Burco, deeqdaasi oo ay soo ururiyeen maayarada Degmooyinka Berbera, Gabiley, iyo Hargeysa, madaxweynuhuna u ku sii wareejiyey  Maayarada degmooyinka abaartu saamaysay ee uu kormeerka ku soo maray.

Madaxweynuhu Intii uu ku gudo jiray mashaariicdaa kala duwan ee uu suuqyada magaalada dhex marayey waxa isugu soo baxay shacbiga ku dhaqan Burco oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey gacmo furan iyo farxad ay ku dhehnaayeen dheero dhiirigelin u ah madaxweynaha iyo xukuumadiisu. Weftiga madaxweynuhuna waxay soo kicitimeen dhinaca gobolka saaxil oo ay caawa u hoydeen ka dib markii daadad xoogani ay soo rogmadeen kala xidheena isu socodka Berbera iyo Hargeysa, taas oo bilow u ah raxmaad khayr qaba oo ka curtay dalka qaybo ka mida, waana wax Alle loogu mahadiyo.

dsc_0381dsc_0572

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.