Madaxweynaha Somaliland oo ka qaybgalay Furitaanka Dugsiyada Sare ee Dan iyo Duco

Berbera – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay Munaasibada daahfurka Dugsiyada Boodhinka ah ee Guddida Dan iyo Duco ka Hirgelisay Gobolka Saaxil.

dsc_0002

Wefti uu hoggaaminaayo madaxweynaha Qaranka Somaliland, kuna wehelinayeen, masuuliyiin tiro badan oo uu ka mid yahay gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahna murashaxa xisbigaasi Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Marwada koowaad ee Qaranka Somaliland Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde, ayaa deegaanka Madheera gaar ahaan Dabayla-weyne waxay maanta kaga qaybgaleen xaflad aad loo soo agaasimay laguna daahfuray dhismayaasha laba dugsi sare ee  boodhinka ah gacantana ay ku hayeen guddida horumarinta gobolka saaxil ee loo soo gaabiyo Dan iyo Duco, dugsiyadaas oo laga hirgeliyey Deegaamada Dabayla weyne iyo Dubur ayaa noqon doona kuwo loo dhisay inay wax ku bartaan in ka badan 800 oo Arday. Magacooda guudna uu noqon doono Dan iyo Duco “Boarding Schools” ee Gobolka Saaxil.

dsc_0000

Munaasibadaasi oo ahayd mid saacado socotay waxa ka hadlay masuuliyiinta gobolada Saaxil, maroodijeex, madaxdhaqameed, culimo, waayeel, waxgarad, Siyaasiyiin, qurbajoog, haween, Murashaxiinta saddexda xisbi qaran oo kala ahaa Md. Muuse Biixi Cabdi, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ciro iyo Md. Jamaal Cali Xuseen, iyo wasiiro iyadoo uu munaasibada soo xidhay Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ay hadaladiisa ka mid ahaayeen”Sharaf weyn bay ii tahay in aan ka soo qaybgalo xafladan  furitaanka labada Dugsi (School) ee Dubur iyo Dabayla-weyne. Waxaan hambalyeynayaa Guddida Dan iyo Duco ee fulisay mashruucan qiimaha badan. Waxaan u mahadnaqayaa dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay maskax, muruq iyo maal dhismaha hoygan Waxbarasho. Waxaan dhiirigelinaynaa mashaariicda horumarinta dalka, waxaannu xukuumad ahaan diyaar u nahay in aannu gacan weyn ka geysano sidii ay u shaqayn lahaayeen, mashaariicda noocan oo kale ahi dadka iyo dalkana waxtarka u leh.

Ka dib markii munaasibadu dhamaatay waxa madaxweynaha iyo weftigiisa hadhimo sharafeed loogu sameeyey isla dugsigaasi boodhinka ah ee Dabayla-weyne gudihiisa, hadhimo sharafeedka ka dibna weftigii madaxweynuhu waxay u soo boqooleen dhinaca caasimada Somaliland, waxaanay la kulmeen shil gaadhi oo ka dhacay wadada u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa, shilkaas oo sababay dhaawaca saddex askari oo ahaa ilaaladii gudoomiyaha Golaha wakiilada ahna gudoomiyaha Xisbiga Waddani mudane Cirro oo isagu weftiga ka mid ahaa iyo Gaadhi yar oo nooca raaxada ah oo uu saarnaa derawalkii waday oo keliya kaasooo u soo gaadhay dhaawac aad u culisi, Markii uu madaxweynuhu soo gaadhay goobta wuu u degay dhaawacii iyo khasaarihii goobta ka dhacay waxaanu u duceeyey dadkii halkaasi wax ku noqday inuu Alle Caafimaad sareecana siiyo. Iyadoo markiiba loola soo cararay dhinaca cusbitaalka guud ee hargeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.