Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xuska Sannad-Guurada 27aad Ee Aas-Aaska Ciidanka Qaranka

Boorama – (warsoor) – Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo uu weheliyo wasiirka Hawlaha guud Dhulka iyo Guriyaynta C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi, ayaa magaaladda Boorama ka furay waxqabadka wasaaradaasi ee sanadkii 2020-ka iyo Qorshaha sanadkan cusub ee 2021-ka.

Munaasibadan waxaa ka qaybgalay masuuliyiinta Gobolka iyo Degmada Boorama, Masuuliyinta wasaaradda Hawlaha iyo Isuduweyaasha wasaaradda ee goboladda Dalka, Agaasimaha guud ee wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyaynta Jamaal Cabdi Muuse, ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii u qabsoomay wasaaradda sanadkii hore isaga oo sheegay in Boorama ay ka bilaabayaan nash-qadaynta magaaladda iyaga oo ku dhaqmaaya xeerka dhulka ee Xeer 17.

Maayirka magaaladda Boorama Saleebaan Xasan Xadi iyo Guddoomiye ku xigeenka Boorama Cawaale Cilmi Faarax, ayaa sheegay in wasaaradda ay kala shaqaynayaan nash-qadaynta iyo Top Plan-ka magaaladda, kaas oo qayb weyn ka qaadanaya horumarka gobolka.

Wasiirka wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyaynta C/rashiid Ducaale Qanbi, ayaa sheegay in ay hore u soo nash-qadeyeen magaalooyin dhawr ah, taasina ay wax weyn ka tarayso hagaajinta Dhulka iyo ilaalinta Dhulka danta guud ee magaalooyinka dalka.

Madaxweyne ku xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Sayli) ayaa sheegay in waxqabdka wasaaradda ee sanadkii hore uu wax weyn ka bedeli doono qaab dhismeedka iyo nashqadii hore ee magaalooyinka iyo ilaalinta dhulka danta guud si loo helo meel loogu adeego bulshada, sidoo kalena waxa uu sheegay in quruxda magaalooyinka caalamka dal walba ay u qurxisay cida uga masuulka ah hawlaha guud inagana la inooga baahanyahay in aynu sidaasi samayno.