Madaxweynaha Somaliland oo Ka Qayb-galay Aas Qaran oo Loo Sameeyey Marxuun Cabaas Idiris

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo,  oo ay weheliyaan wasiiro, xildhibaano, masuuliyiin kale oo qaranka ka tirsan, culimu diin, Madaxdhaqameed iyo dadweyne tiro badan ayaa ka qaybgalay aas qaran oo loo sameeyey Marxuum Cabbaas Idiris(John Drysdale).

Marxuumka oo lagu aasay xabaalaha masallaha ee koonfurta caasimada ayaa waxa kale oo xaadir ku ahaa masuuliyiinta safaarada Ingiriiska ee Itoobiya oo ay hoggaaminaysay Ms. Lissie Lovett oo ah xoghayaha labaad ee safaaradaasi, waxana lagu tukaday Mayd marxuumka oo lagu shaqlay Calanka Somaliland hareerahana ay hayeen cutubyo ka tirsan ciidanka qaran ee Somaliland. Waxa salaadda janaasada tukiyey wasiirka diinta iyo awqaafta sheikh Khaliil Cabdilaahi Axmed.

DSC_0039

Madaxweynaha oo salaada janaasada ka dib halkaa ka hadlay ayaa marxuumka ilaahay uga baryey inuu naxariistiisi janno ka waraabiyo qoyska, ehelka, asxaabta iyo shacbiga Somaliland iyo Ingiriiskaba samir iyo iimaan ka siiyo.

Wuxuu madaxweynuhu intaa raaciyey inuu cabbaas ahaa nin weyn oo qiimo badan lahaa, noloshiisa oo dheeraydna uu ku qaatay wax u qabashada Somaliland oo ah dalkiisi labaad iyo ingiriiska oo ahaa dalkii uu asal ahaan ka soo jeeday.

Madaxweynaha waxa ka mid ahaa hadaladiisi “In-naa-ilaahi wa in-naa lilaahi raajucuun, Cabbaas Idiris oo (John Drysdale) wuxuu ku dhintay Muslin-nimo, Ilaahay waxa aanu uga baryeynaa inuu naxariistiisi janno ka waraabiyo dhamaanteena samir iyo iimaan naga siiyo.  in-naa ilaahi wa in-naa ilaahi raajucuun ”.

Waxa iyaduna halkaasi ka hadashay, xoghayaha labaad ee safaaradda ingiriiska ee Itoobiya, oo ku tilmaantay marxuumka inuu ku sun tanaa isku xidhka Somaliland iyo ingiriiska.

Waxa kale oo ay halkaa ka akhriday qoraal ay soo direen qoyskii Marxuumka kuwaas oo ah laba haween ah ay walaalo ahaayeen marxuumka, iyo ubadkooda.

DSC_0056

Waxaana ka mid ahaa hadaladeeda “John Drysdale (Cabbaas Idiris) wuxuu ahaa astaanta isku xidha Somaliland iyo Ingiiska. Waxa kale oo uu ahaa nin qiimo badan leh oo dad jeclaa, dadkuna isugu mid ahaayeen, isku sina u tixgelin jiray, hadduu yahay Boqor, Madaxweyne, iyo Qof kaleba”.

Waxa iyaguna aaska marxuumka ka hadlay, wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Dr. Adna Aadan Ismaaciil, Amb Cismaan Axmed Xasan (Cismaan Indhoole), Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, iyo duqa Gabiley, Maxamed-amin Cumar Cabdi, waxaanay dhamaantood ka warameen aqoonta ay u lahaayeen marxuumka, iyagoo ku sifeeyey inuu ahaa shaqsiyad leh waayo aragnimo dheer, siyaasi ahaa, aqoon yahan ahaa, qoraa ahaa, isla markaana ahaa saaxiib weyn oo lahaa dad jacayl iyo dal jacayl gaar ahaan Somaliland. Waxa kale oo ay ku tilmaameen hawl kar sheeko badan iyo kaftan badan lagu yaqiinay, kaas oo ku daali jiray wax u qabashada dadka iyo dalka Somaliland.

Waxay Marxuumka ugu duceeyeen inuu naxariistiisi janno ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii iyo muwaadiniinta  labada dal ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.