Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Qaraxii Hotel Afrik Ee Muqdisho

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi  ayaa ka shacabka Soomaaliya ka tacsiyadeeyey dadkii lagu laayey weerarkii lagu qaaday Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho .

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay damqayso dhiibaatada iyo qaraxyada ka dhaca Soomaaliya islamarkaana ay aad uga xun yihiin dhibaatada amni darro ee soddonka sanno ka jirtay dalkaasi .

Madaxweynaha Somaliland waxa uu si gaar ah uga hadlay dilkii Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo uu ku sifeeyey shakhsi qiimo weyn ku lahaa Qoomiyadda Soomaalida, Xoggagaalna ka ahaa qadiyadda Somaliland ,waxaana tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii uu ka baxay.