Madaxweynaha Somaliland oo Iscasilaadii Ka Qablay Badhasaabkii uu Xallay u Magacaabay Gobolka Maroodi-jeex

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa iscasilaadii ka aqbalay badhasaabkii uu u magacaabay xilka gobolka Maroodi-jeex kaasi oo uu xalay magacaabay.

War-saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyadda Somaliland oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu shaaciyey aqbalaada madaxweyne ee iscasilaada badhasaab Axmed Tiimbaro.  Waxanay u dhignayd sidan:

axmed_siilaanyo_sl_president_660

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu ka Aqbalay Istiqaaladii uu u soo gudbiyey Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex ee xalay la magacaabay, waxaanu madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii hanan lahaa xilkaas, sida ugu habboon”.

War-saxaafadeedkan ayaa lagu sii idhi, “Aniga oo ka duulaya shaqo ka-tagistaada xilka kor ku xusan ee aad warbaahinta ka sheegtay, waan soo dhaweynayaa, waanan kaa aqbalay iska-casilaaddaada”.

War-saxaafadeedkan waxaa ku saxeexnaa afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Xuseen Aadan Cige (Xuseen-dayr).

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.