Madaxweynaha Somaliland oo Iscasilaadii Ka Aqbalay Baashe Cawil

HARGEYSA – (WARSOOR)- Madaxweynaha Somaliland ayaa warqaddii iscasilaada ka aqbalay Baashe Cawil Cumar oo khamiistii loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Digreeto ka soo baxday madaxtooyadda ayaa u dhignayd sidan:

Wareegto Madaxweyne: 04/09/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-711/092021 uu kaga Aqbalay Is-casilaadii uu hore u soo gudbiyey Baashe Cawil Cumar, kuna Magacaabay bedelkiisa.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: AQBALAAD IS-CASILAAD

Ku: Baashe Cawil Cumar

Mudane,

Waxa i soo gaadhay qoraalkaaga ku taariikhaysan 02/09/2021, ujeeddadiisuna tahay is-casilaadda xilkii laguu magacaabay ee Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Sidaa darteed, waxa aan kula socod-siinayaa in aan kaa aqbalay is-casilaaddaa laga bilaabo taariikhda maanta. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka iyo hawlihii aad u qabatay Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID

MarkaanArkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Goโ€™aansaday;

In Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland