Madaxweynaha Somaliland oo Hambalyey Maalinta Shaqaale Weynaha

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu munaasibadda 1-da May awgeed, hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan Shaqaale-Weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, meel ay joogaanba.

Madaxweynuhu wuxuu shaqaalaha Jamhuuriyadda Somaliland, uga mahadnaqay gudashada xilalka iyo masuuliyadaha kala duwan ee ay Qaranka u hayaan iyo sida hagar la’aanta ah ee ay ugu dhabar adaygaan duruufaha nololeed ee kala duwan ee ay ku shaqeeyaan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Shaqaale weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ALLE uga baryey inuu ku asturo shaqooyinka kala duwan ee ay Qarankooda u hayaan, xuskan xuskiisana ku gaadhsiiyo nabadqab, horumar iyo badhaadhe, waxaanu kula dardaarmay madaxweynuhu inay joogteeyaan saacadaha shaqada si waddaniyad iyo xilkasnimo ku dheehan tahayna u gutaan waajibaadka qaran ee ka saaran hawlaha shaqo ah ee ay qaranka u hayaan.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
— 

Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.