Madaxweynaha Somaliland oo Gudoomiyayaasha Golaayaasha iyo Xisbiyadda Qaranka Kulan Kula Yeeshay Qasriga Madaxtooyadda

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta kulan gaarka la yeeshay gudoomiyayaasha Golayaasha iyo Xisbiyadda Qaranka Somaliland waxaanu kala hadlay in talo-qaran laga yeesho doorashooyinka soo socda ee dalka ka qabsoomi doono.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ugu horayn seegay ujeedda kulan ayaa yidhi,  “Ugu horreyn, waxaan jecelahay inaan idiinka mahad-naqo sida aad u soo ajiibteen kulankii aan idiinku yeedhay.  Sharaf weyn bay ii tahay in aan maanta idinku soo marti-qaado kulankan muhiimada weyn leh ee dulucdiisu tahay in aynu ka wada-hadalno arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta ka bilaabmi doonta Gobollada Sanaag iyo Sool.

DSC_0084

Mudanayaal, sida aad la socotaan waxa inoo qorshaysan inaynu qabano ama meel-marino 27-ka March, 2017-ka doorashooyinkii Madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada. Sidaa darteed, si aynu u xaqiijino himiladaa qaran waxay inooga baahan tahay talo adag, tabaabulshe iyo tawfiiq. Madaxweyne ahaan waxa iga go’an in aan suurta-galiyo doorashooyinkaa xiligii loogu talo-galay, Eebbe idamkii. Hase-yeeshee, waxa inala deris ah xaqiiqdii caqabado ku gedaaman doorashada wakiillada, taas oo salka ku haysa qaybinta kuraasta aqalka cusub.”

Madaxweynaha ayaa intaasi ku darya, “Mudanayaal,  Haddaba, waxaan idiinku yeedhay in laga yeesho talo midaysan, gaar ahaanna aad wada tashi mug leh ka yeelataan saddexdiina xisbi qaran iyo shir-guddoonka wakiiladu, si xal loogu helo qaybinta kuraasta baarlamaanka. Ugu dambayn, waxaan idinka rajaynayaa in aad gaadhaan go’aan midaysan oo xal u noqon kara qaybinta kuraasta Golaha Wakiillada, isla markaana wax-tar u ah dalka iyo dadka. Waxa kale oo aan idinka rajaynayaa in aynu si midaysan uga hawlgalno diiwaangelinta gobollada Sool Iyo Sanaag, oo qarankan ugu fadhida qiimo-weyn oo siyaasadeed”. Sidaasi waxaa yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Gudoomiyeyaasha seddexda xisbi qaran iyo xubnaha shir-guddoonka wakiilada oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay kulanka uu u qabtay, waxanay aaraah tiro badnayd ka soo jeediyey ujeedada Madaxweynuhu ugu yeedhay oo faallooyin badan ay ka bixiyeen sida ugu habboon ee loo hirgelinayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee Sool iyo Sanaag, iyo qodobka falanqaynta adag ee ku saabsan saami qaybsiga golaha wakiilada, waxana hadalka masuuliyiintu ku wareegayey, sida loo maaraynayo dhaqaalaha ay u baahan tahay habsocodka diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolada hadhsan.

DSC_0115

Qodobka dhaqaalaha ku baxaya diiwaangelinta codbixiyeyaasha Sool iyo Sanaag ayaa laysla qaatay, in meelaha laga baadhayo dhaqaalahaasi ay ka mid noqoto codsi loo diro, kulamana  lagala yeesho dhunacyada Maraykanka iyo Midawga Yurub gaar ahaan Jarmalka oo ah muruq dhaqaale, laguna qaban doono dhawaan shir dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah oo u dhexeeya Somaliland iyo Jarmalka.

Dhinaca kale qodobka intii fadhigu socday qaatay wakhtiga intiisi badnayd wuxu ahaa kan saami qaybsiga golaha wakiilada. Waxaana halkaa laga soo jeediyey warbixin ah in markii gudiga arrimaha gudaha iyo nabadgelyada ee golaha wakiiladu ay sahan ugu baxeen gobolada waa weyn ee dalka lana kulmiyeen waxgaradka iyo odayaasha goboladaasi ay soo baxday in gobol waliba uu aaminsan yahay inuu yahay kan ugu dadka badan, uguna dulman marka la eego tirada ugu jirta golaha wakiilada, taasi oo muujinaysa sida qodobka saami qaybsiga golaha wakiiladu u adag yahay.

DSC_0002

Saddexda Xisbi qaran ayaa soo jeediyey inay fadhi danbe ka yeeshaan una talo badsadaan, qodobkaa saami qaybsiga iyaga iyo shir gudoonka wakiilada iyo gudida doorashooyinkuna ay kulmaan sida ugu dhakhsaha badan.

Markii laga soo baxay shirka ayaa waxa warbaahinta la hadlay saddexda gudoomiye ee saddexda xisbi qaran, Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi, Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.