Madaxweynaha Somaliland oo digreeto ku magacaabay Laba degmo

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muddane Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa digreeto madaxweyne ku magacaabay laba degmo oo ka tirsan goboladda Togdheer iyo Awdal.

Digreetaddan ayaa  u dhignayd sidan:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahayJSL/M/XERM/249-4960/082017 uu maanta ku magacaabay labada degmo.

Madaxweynuhu:

 Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 Markuu Arkay:                    Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey:            Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

 Markuu Tixgeliyey:            Baahida loo qabo in Masalaha Gorad iyo Cali Xaydh loo magacaabo Degmooyin cusub;

 Markuu Dhegeystay:         Soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Wuxuu go’aansaday;

  1. In uu Masalaha Gorad u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.
  2. In uu Cali Xaydh u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Awdal.”

 

 

 

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.