Madaxweynaha Somaliland Oo Casho-sharaf Ku Maamuusay Aqoonyahanno Iyo Diblomaasiyiin Ajaanib ah Oo Kasoo Qayb-galay Carwada Caalamiga Ah Ee Bandhigga Buugaagta Hargeysa

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa  casho-sharaf ku maamuusay aqoonyahanno, isugu jira qorayaal, cilmi-baadhayaal iyo mu’allifiin kasoo kala jeeda dalal kala duwan oo caalamka ah, kuwaas oo lagu marti-qaaday carwadda  caalamiga ah ee bandhigga Buugaagta Hargeysa (Hargeisa International Book Fair) oo dhawaan laga furay Caasimada Somaliland.

 

Kulankaa cashada ah oo xalay lagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golihiisa wasiirrada, siyaasiyiin, guddoomiyaha xarunta dhaqanka ee Hargeysa, Mudane Jaamac Muuse Jaamac iyo xubno boqol ka badan oo kamid ah martida ajaanibka ah ee carwadaa caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa lagu marti-qaaday, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo salka ku hayey horumarka  dhinacyada badan leh ee ay Somaliland ku tallaabsatay iyo sida ay caanka ugu tahay soo dhaweynta martida dunida kale ka timaadda.

Guddoomiyaha xarunta dhaqanka Hargeysa, Mudane Jaamac Muuse Jaamac oo ugu horrayn madasha hadal ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay xarun ahaan ugu jiraan inay Somaliland kusoo jeediyaan indhaha caalamka iyo sida ay martida ajaanibka ah ee dalka timaaddaa ula dhacsan yihiin nabadda iyo horumarka ka tisqaaday dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo rejo iyo yidiilo cusub ku beera cid kasta oo dalka timaadda.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire oo isaguna munaasabadda casho-sharafta ah ka hadlay, ayaa si mug leh usoo dhaweeyey martida ajaanibka ah ee dalka ku sugan, waxaana uu hoosta ka xarriiqay inay joogaan dal nabad ah oo dadkiisu caan ku yihiin marti-soorka iyo soo dhaweynta, kuna tallaabsaday horumar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna hadal dhinacyo badan taabanaya u jeediyey martida ajaanibka ah ee dalka ku sugan, ayaa ugu horrayn soo dhaweeyey martida, waxaana uu xusay inay Somaliland tahay qaran hore u tallaabsaday, kuna kalsoon horumarkiisa, balse aanu caalamku weli aqoonsan, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Dhammaan aqoonyahanka, hal-abuurka, filim sameeyayaasha iyo dadka aqoonta badan ee dalalka kala duwan ka yimi ee carrigayaga nagu sharfay inay yimaaddaan waxaan leeyahay soo dhawaada, kusoo dhawaada dal nabad ah, Dimuqraaddi ah, aragti horumarineed ku socda, nabadgeliya caalamka, jecelna inuu caalamka wax la qabsado, haddana aan la aqoonsan, laakiin iyagu is aqoonsan, ogna inay maalin cidi waliba aqoonsan doonto.”

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu shaaciyey inay Somaliland tahay qaran gacantiisa ku ku abuuray nabad iyo horumar, isla markaana diyaar u ah inuu dunida uga faa’iideeyo waayo-aragnimada durugsan ee uu u leeyahay xallinta khilaafaadka, “Somaliland waxa ay kasoo bilaabantay 28-sano ka hor meel adag, waayo-arag badan bay ku qaadatay sida nabadda loo dhiso ee colaadaha loo damiyo, waxaana ay waayo-arag ku tahay sida haykalka dawladeed loo dhiso oo laga soo bilaabo meel Eber ah, iyada oo aanay gacan shisheeye soo gelin, cidina aanay ka taageerin, waxaana ay diyaar u tahay inay waayo-aragnimadaas u gudbiso jaararkeeda iyo dalalka kale ee adduunka oo ay kamidka tahay walaalahayaga Soomaaliya oo ay dhibaato badani haysato oo aanu wax badan uga tari lahayn, laakiin ay na dabrayso aqoonsi la’aanta caalamku,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu dunida cod dheer ugu sheegay inay Somaliland mar walba muhiimad gaar ah siinayso nabadda iyo xasilloonida, isla markaana deriskeeda wanaag ugu baaqayso, waxaana uu yidhi, “Waxaanu nahay dal nabad ah, isagu is nabad geliyey, dhibaatooyinkiisa iyo khilaafaadka gudihiisana xallista, caalamka iyo jaarkayagana waxa aanu ugu baaqaynaa nabad, horumar iyo is-kaashi caalami ah.”

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.