Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u Fidiyey Salaadiin iyo Xubno Kale

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo ayaa digreeto madaxweyne waxaa uu cafis ugu fiday 14 qof oo iskugu jiray salaadiin iyo xubno kale oo ay maxkamadda Gobolka Hargeysa xukuno ciqaab ah ku riday horaantii sanadkan.

Cafiska madaxweynaha ayaa yimid ka dib markii dalab af iyo qoraal ahi ay u soo gudbiyeen madaxda dhaqanka  ee deegaanka Waqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa ay kaga dalbadeen in madaxweynuhu u fidiyo cafis madaxweyne.

Munaasibadan ku dhawaaqid cafiska madaxweynaha ayaa ka dhacday qasriga madaxtooyadda Somaliland waxaana ka soo qayb-galay: Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, wasiirada Madaxtooyada, Maaliyada, Ganacsiga iyo Maalgashiga, Wershedaha iyo gudoomiyaha, ahna murashaxa Xisbiga Kulmiye, hoggaan dhaqameedka oo ay horkacayeen xubno salaadiin ahi, kana mid ahaayeen Suldaan Axmed-nuur Cabdilaahi Samaale iyo Salaadiin kale.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo ka jawaabaya dalabka madax-dhaqameedka ayaa yidhi, “Waan aqbalay codsigiina. Waxan idin hayaa sharaf iyo qaddarin aad iga mudan tihiin. Waan cafiyey odayaasha aad iga dalbateen in aan sii daayo, waxanan idinku dardaarayaa in la wada ilaashado nabadgelyada aad marka horeba gadhwadeenka ka tihiin iyo wada jirka dalkeena iyo dadkeena”.

Madax-dhaqameedka ayaa iguna dhankooda uga mahad celiyey aqbaladaa dalabkooda iyo cafiska uu u fidiyey salaadiinta iyo ragga kale ee wehelinaayey.

Salaadiinta iyo ragga kale ee xunka maxkamaddu ku dhacday ee madaxweynuhu cafiska u fidiyey ayaa kala ah:

  1. Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Suldaan Nuur
  2. Suldaan Mawliid Cali Ibraahin (Sabbeyse)
  3. Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoore
  4. Xasan Maxamed Cali (Xasan Madoobe)
  5. Mustafe Cabdi Ruush
  6. Maxamed Jaamac Abokor
  7. Siyaad Guuleed Xasan (Qoosha)
  8. Sidiiq Ciise Maxamuud (Kastam)
  9. Siciid Gaas Aadan
  10. Farxaan Maxamed Cabdillaahi
  11. Siciid Ismaaciil Faarax.
  12. Cadaani Maxamed Axmed
  13. Amiir Xaashi Xandule
  14. Xasan Cismaan Cumar

Salaadiinta iyo raggan kale  ee cafiska loo fidiyey ayaa loo xidhay bishii February 2016 ka dib markii muran deegaanka Waqooyiga ah oo la isku haystay deegaanadda xeebta waqooyiga Somaliland, waxaanu xukuumaddu isku dayo in sanaaduuqda diwaan-galinta la geeyo, waxaanay salaadiintani ka soo horjeedsadeen arintaas waxaana isku dhacay dablay hubaysan iyo ciidamada dawladda kuwaasi oo markii dambe gacanta lagu soo dhigay xubnahan hadda cafiska loo fidiyey halka qaar kale ay firxadeen.

DSC_0019 DSC_0002 DSC_0015

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.