Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u Fidiyey Maxaabiista Dembiyadda Fudud u Xidhan

Hargeysa – (warsoor) – Wareegto madaxweyne oo ka soo baxday madaxtooyadda Somaliland ayaa lagu shaaciyey in madaxwyenaha Somaliland u cafis madaxweyne ku fidiyey maxaabiista ku jirta jeelasha dalka ee u xidhan dembiyadda fudud.

Wareegtadan oo uu ku saxeexan yahay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa u dhignayd sidan:

WAREEGTO MADAXWEYNE: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-310/052019, uu Cafis Guud u fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Cafis Guud

Markaan Arkay:      Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay:      Xeerka Ciqaabta Guud, Qodobkiisa 149aad;

Markaan Tixgeliyey:          In Xuska 18 May Awgeed Cafis Loo Fidiyo Maxaabiista Dembiyada Fudud Ku Xukuman;

Markaan La-tashaday:        Hay’adaha Ay Khusayso;

Waxaan Go’aansaday;

1)         In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 517 (Shan Boqol Toddoba iyo Toban) maxbuus.

2)         Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhashay dembiyadda ay ku xukunnaayeen maxaabiistaasi, sida ku xusan qodobka 92 ee Xeerka Ciqaabta Guud.

3)         Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista Wareegtadan ku lifaaqan.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL”.
— 

Nasir Yusuf Dahir Director of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.