Madaxweynaha Somaliland oo Caawa u Hoyday Magaalada Laascaanood

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyomiyo wefti balaadhan oo uu hogaaminaayeyey ayaa kormeer qiimaynta abaaraha ah ku maray goboladda Bariga Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo ayaan qaar ka mid magaalooyinka uu sii maray wuxuu warbixno xaalada abaartabee deegaanka ka dhagaystay qaar ka mid ah maamulka iyo madax-dhaqameedka deegaanka, waxaana madaxweynaha looga xaal waramay baaxadda ay leeg tahay dhibaatadda abaartu.

Madaxweynaha Somaliland ayaa intii uu ku sii jeeday goboladda Bariga Somaliland wuxuu gacantiisan raashin iyo biyo ugu qaybiyeyey qaar ka mid dadkii ay abaartu ka soo saartay deegaankoodii iyo duunyadoodii.

Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa caawa u hoyday magaalo madaxda gobolka Sool ee Laascaanood, waxaanay la filayaa in bari ay halkaasi ka sii waddi doonaaan u kuur-galida xaaladda abaartabee halkaasi ka jirta.

Madaxweynaha waxaa safarkan ku wehelinaayo tiro badan oo golaha wasiiradd ka mid ah, gudoomiyaha xisbul xaakimka Kulmiye iyo guddida gurmarka abaaraha ee heer qaran iyo masuuliyiin kale.

Halkan ka daawo war laga diyaariyey safarka madaxweynaha:

https://www.youtube.com/watch?v=Ra_fKly3i9k&t=14s

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.