Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Oo Jawaab Cad Ka Bixiyey Eedaha Xisbiga WADDANI

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixix Cabdi, ayaa ka hadlay dhawaaqyo muddooyinkii dambe kasoo yeedhayey madaxda xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo salka ku haya saluug aan daliil loo haynin iyo eedo aan meesha qabanin oo ay ka sheegtaan guushii madaxweynaha iyo xisbigiisa KULMIYE kasoo hooyeen doorashadii madaxnimo ee dalka ka dhacday badhtimihii bishii November ee sannadkii dhammaaday ee 2017-kii.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu ugu horrayn caddeeyey inuu bulshada u ballan qaadayo fulinta wax kasta oo horumarka dalka ku saabsanaa ay xisbiga KULMIYE iyo axsaabta kale ee mucaaridka ahiba ku ololeeyeen waqtigii doorashada, isla markaana diyaar u yahay in lagula xisaabtamo, waxaana uu yidhi, “Xisbi kasta ahow oo wixii aad doonaysay ee horumar ah ayuun baan waddadeeda marayaa, haddii aan ka leexdo kii KULMIYE ahaa, kii WADDANI ahaa iyo kii UCID ahowba kalladhka isoo qabo oo sidaad leedahay I dheh waan kuu qabsoomayaaye.”

Waxa uu madaxweynuhu si gaar ah hadalkiisa diirrada ugu saaray hadallo ay hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI bulshada dhexdeeda faq iyo fagaareba ugu faafiyaan oo la xidhiidha in doorashadii madaxtinimada lagaga shubtay, waxaana uu su’aal geliyey qaabkii uu guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) u sharraxay tanaasulkii uu sheegtay, “Guddoomiye Cirro laba goor buu hadlay oo maalini, maalintii uu yidhi waan oggolahay natiijada ayey ahayd, waxaana uu yidhi umaan tanaasulin ninkii aanu tartamaynay, umana aanu tanaasulin xisbigii aanu tartamaynaye qarankaanu u tanaasulay, waa sax haddii qarankii loo tanaasulay, laakiin bal dib u baadha qaamuuska siyaasadda oo haddii aanad qofkii kula tartamayey u tanaasulin, xisbigiina aanad u tanaasulin miyaad tanaasushay, ilayn dadkii badh baad ka tagtaye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabd.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inuu rajaynayey inay xisbiga WADDANI ka hadhi doonaan carqaladaynta iyo ceebaynta natiijada doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay, balse aanay taasi weli hadhin, isaga si cad u sheegay in talada dalka ee uu haatan hayo loogu cumaamaday hannaan sharci ah, islamarkaana uu madaxweyne ku noqday cod shacab oo aqlabiyad ha, meeshana ka saaray sheegayooinka hooseeya ee hoggaanka xisbiga WADDANI weli dabada sii haystaan, waxaana uu yidhi, “Annagu waxaanu sugaynay in marka cadhadu degto, cadho waa la bariyaaye, inay xisbiga WADDANI iyo guddoomiyahoodu luuqad taas ka qabow ay umadda kula hadlaan, maalintii dhaweyd markii ay dhaceenna aniga oo idinka  idin ixtiramaamaya oo dadkii ii codeeyey oo kuwii aan ii codayn ixtiraamaya oo xaaladeena guud eegaya qofkii ugu horreeyey ee aan telefoon u diray markii uu dagaalka Darar-weyne dhacay waxa uu ahaa Cabdiraxmaan Cirro, waayo xisbiyada dadka hoggaaminaya oo inaynu qabyaaladda ka baxno weeye, mushkiladahana inaynu xallino weeye, aniga oo taas ka doonaya ayaan la hadlay, isaguna Boorama ayaan ku socdaa buu yidhi, anna soo dhakhsaan ku idhi masiibo weyn baa jirtee,  Boorama ayuu ka hadloo wuxuu ka bilaabay, ‘Walaalayaal doorashadii weynu helnay, laakiin KULMIYE ayeynu amaahinay’, anna waan dhegaystay, waxaan leeyahay haddii qaamuuska siyaasadda laga helo xisbi doorasho uu helay xisbi kale ammaahiyey waa mid igu cusube halla iisoo sheego, haddii aanu KULMIYE nahayna ma qabno inaad doorasho na ammaahisay, waxaanuse qabnaa inaynu tartannay, si caddaalad ahna tiradii la inoogu hubiyey oo aad ka dacwootay oo aad tidhi meelaha qaarkood halla ii baadho oo laguu baadhay oo ay idiin xannibnayd oo aanan ka hadal  oo la hubiyey oo aynu siddeetan kun oo (80,000) ku kala badinay oo ay caddaalad ahayd,”

Madaxweynuhu waxa uu su’aal geliyey sida ay bulshadu ugu kalsoonaan karto u hoggaansamidda sharciga ee hoggaanka xisbiga WADDANI, maadaama oo aanay weli yaqiinsan tirada xad-dhaafka ah ee lagaga guulaystay doorashadii sanadkii hore dalka ka dhacday, “Waxa is-weydiin leh haddii uu maanta Cabdiraxmaan Cirro leeyahay haddii iyada oo siddeetan kun oo cod lagaga helay uu leeyahay waynu helnay oo waa la ina boobay oo uu weli xisbigii hoggaaminayo doorasho dambena uu ku noqon doono haddii uu tiro yar oo lagu murmo haduu keeno oo sideetan iyo toddobaatan ah hadduu keeno muxuu yeeli doonaa, illayn rag baa siddeetan iyo toddobaatan kaga tegaye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu bulshada u caddeeyey inuu ixtiraam iyo qaddin laxaad lehba u hayo xisbiga WADDANI, islamarkaana uu diyaar u yahay inuu qaato doorkiisa mucaaridnimo, isaga oo ka codsaday inay bulshada usoo bandhigaan wixii qaladaad ah ee ay hoggaamintiisa ku arkaan, “Xisbiga WADDANI waxaan leeyahay halkii baanu ka haynaa walaaltinimadii iyo qaddarintii, inta aynu wada leenahay aynu wada ilaashanno, inta aynu isku khilaafsanahayna waan idiin oggolahay, dhaliishana waanu oggolnahay iyo in aanu talada qaranka ee inaga dhaxaysa aanu idinkala tashanno, haddaad noo garan weydaanna aad dadka u sheegtaan, haddii aad qalad nagu haysaan aad dadka u sheegtaan, iin iyo gefna naga waayi maysaan oo bani’aadam baanu nahay, mucaaradaddana waxaynu u samaysannay inay toosiso ka xilka haya, umana aynu samayno inaynu colaad uun dadka ku hayno.”

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.