Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Kulan La Qaatay Ugaaska Guud ee Beel-weynta Ciise iyo Xubno Kamid ah Gendaha Beeshaas

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay ugaaska guud ee beelweynta Ciise Ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim  iyo xubno kamid ah gole-dhaqameedka Gendaha loo yaqaanno ee ay beeshaasi caanka ku tahay.

Kulankan oo ka dhacay xarunta aqalka madaxtooyada Somaliland maanta, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, iyada oo dhinaca kalena Ugaaska guud ee beel-weynta Ciise ugaas Mustafe Maxamed Ibraahim ay dhinaciisa wehelinayeen xubno kooban oo kamid ah golaha dhaqanka beesha Ciise ee Gendaha loo yaqaanno.

Kulankan oo muddo saacado ah qaatay, ayey labada dhinac si qoto dheer  ugu falanqeeyeen sidii xubnaha dhaqanka iyo xukuumaddu uga wada-shaqayn lahaayeen nabadgelyada iyo wada-jirka ummadda reer Somaliland, isla-markaana ay u wada yeelan lahaayeen xidhiidh joogto ah.

Madaxweynaha Jmahuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhinaciisa muujiyey sida uu diyaarka ugu yahay inuu hoggaanka dhaqanka ee beesha Ciise iyo golahooda dhaqanka ee Gendahaba ugala shaqeeyo arrimaha dhaqanka iyo wixii wada-shaqan ah ee dhankiisa looga baahdo.

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.