Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigii Uu Hoggaaminayey Oo Maalintii Saddexaad Ku Sugan Dalka Jabuuti Ayaa Maanta Booqday Laba Xarumood

Jabuuti – (warsoor) – Weftigii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi hoggaaminayey oo maalintii saddexaad ku sugan dalka Jabtuui ayaa maanta booqday laba xaruumood oo kala ah Telecom Djibouti iyo xarunta tareenada ee dalka Jabbuuti.

Waxa weftiga Madaxweynaha Somaliland kormeerkaasi ku wehelinayey wasiirada Xanaanada xoolaha, beeraha iyo biyaha, gaadiidka, warfaafinta ee dalka Jabbuuti iyo masuuliyiin kala duwan. Waxaana weftiga madaxweynaha xarumaha uu booqashada ku tagay ku soo dhaweeyey madaxda iyo shaqaalaha kala duwan ee goobahaasi.

Ugu danbayntiina Madaxweynuhu waxa uu saxeexay buugga lagu qoro madaxda soo booqatay xarunta Telecom DJabuuti, iyadoo masuuliyiinta xaruntuna madaxweynaha ay gudoonsiiyeen hadyad ka kooban astaanta dhaqanka iyo hiddaha jabuuti.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.