Madaxweynaha Shacabka reer Somliland Doortay oo Kulan la Qaatay Safiirka Ingiriiska u Qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya

Hargeysa – (warsoor)- Madaxweynaha cusub ee shacabka reer Somaliland doorteen dhawaan Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ka socda safaaradda dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland Soomaaliya xalay.

Weftigan waxa hoggaaminayo safiirka safaaradda dawladda Ingiriiska ee dalalka Somaliland iyo Soomaliya Ambassador Daved Concar, isla markaana ay wehelinayso haweenayda madaxda ka ah Xafiiska Ingiriiska u qaabilsan Somaliland Mrs Rosie Tapper.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayeen Guddoomiye-ku-xigeennada koowaad iyo labaad ee xisbiga KULMIYE – Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi Dheere, waxa kulankaasi labada labada dhinac kaga wadahadleen arrrimo door ah oo ku saabsan doorashadii Madaxtooyada ee dhawaan ka qabsoontay Somaliland iyo xidhiidhka dawladda Ingiriiska, isagoo safiirku sheegay in dawladdiisa ay ka goโ€™an tahay inay wadashaqayn dhaw la yeelato Madaxweynaha cusub iyo sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee labada dhinac ka dhexeeya.

Ambassador Daved Concar waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu bushaareeyey hambalyo rasmi ah oo uu uga sido dawladdiisa Ingiriiska, waxaannu intaa raaciyey in Ingiriisku muhiimad weyn siinayso sidii kor loogu qaadi lahaa deeqaha ay siiso Somaliland ee dhinaca horumarka, isla markaana loo sii xoojin lahaa xidhiidhka labada waddan.

Waxa kaloo Safiirku sheegay inuu in dawladda Ingiriisku doonayso sidii loo sii ambo-qaadi lahaa wadadahalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya iyo ka midho-dhalintooda si mustaqbalka loo gaadho natiijo labada dhinacba ku wada qanci karaan.

Arrimaha kale ee uu Ambassador Daved Concar la wadaagay Madaxweynaha cusub ee Somaliland wax aka mid ahaa xiisaha ay dawladda Britain u qabto dedaalka nabadaynta ah ee ay xukuumadda KULMIYE ka bilowday gobollada Bariga Somaliland, waxaannu madaxweynaha ka codsaday inuu ka gun-gaadho wadahadalladaas.

Ugu dambayntii, Madaxweynaha cusub ee shacabka Somaliland doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa uga mahadnaqay safiirka UK booqashadiisa iyo hambalyada uu soo gaadhsiiyey, waxaannu bogaadiyey doorka saaxiibtinimo iyo waxtar ee ay dawlada Ingiriisku la leedahay Somaliland, isagoo hoosta ka xarriiqay inay madaxweyne ahaan ka goโ€™ntahay sidii uu u sii xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Ingiriiska.

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA WARKA KULANKA MADAXWEYNAHA IYO SAFIIRKA:

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.