Madaxweynaha Puntland oo la kulmay wefdi ka socda dalka Cumaan

Bosaaso – (warsoor) – Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  kulan  kula qaatay qasriga madaxtooyada Puntland ee magaalada Boosaaso wefti balaadhan oo ka Socday Dalka Cumaan.

Weftigan oo ka soo kicitimay Dalkaasi Cumaan  ayaa isugu jirey masuuliyiin ka socdey rugta gacansiga Dalka Cumaan, wasaarad Ganacsiga Dalkaasi Cumaan, maamulka sare ee diyaarada  Salaala Airline iyo saraakiil ka socdey Madaxtooyada Cumaan.

Kulankan uu Madaxweynaha  Puntland la qaatay wefdiga ayaa u jeedkiisu ahaa horumarinta ganacisga, iyo sidoo kale maalgashi ay doonayaan Dawladda Cumaan iyo ganacsatada wadankaasi inay maalgashtaan Puntland.

Masuuliyiintii ka socotay shirkada diyaaradaha ee Salaala Airline ayaa dhankooda sheegay  in ay ka bilaabi doonaan duulimaadyo ay uga kala dhex gooshi doonaan wadankaasi Cumaan iyo  Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland.

Madaxweynaha  Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uga mahad naqay booqashada weftigani ay ku yimaadeen Puntland ayaa dhinaca kalena ku bogaadiyey dedaalka ay doonayaan inay ku maalgashadaan Puntland, waxaana  madaxweynuhu uu shegay in ka Dawladd ahaan ay ufududayn doonaan wax kasta oo hirgelinaya xidhiidhka wadashaqayneed iyo kan ganacsi ee labada Wadan.

Dhinaca kale, musuuliyiinta ka socodey Dalka Cumaan ayaa dhankooda madaxweynaha Dawladda Puntland uga mahad naqay soo dhoweynta wanaagsan ee uu ku qaabilay iyo sida niyadsamida leh ee uu ku taageeray feker kooda ah inay maalgashadaan Puntland taas oo horumar iyo sharaf u ah shacabka iyo Dawladdaha labada Wadan.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa timaamay inay soo dhoweynayaan cidwalba oo doonay-naysa inay maal gashtaan Puntland, waxaana uu madaxweynuhu ku boriyey ganacsatada reer Puntland ee  joogta dalka debediisa inay ku soo hirtaan Maalgashiga dhulkooda hooyo.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.