Madaxweynaha Puntland oo kormeeray wadada isku xirta Garoowe iyo Laascaanood oo dayactir lagu sameynayo

Garoowe – (WARSOOR) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kormeeray Wadada isku xirta Garoowe iyo Laascaanood, oo uu ku socdo dayactir iyo dib u habayn lagu samaynayo kadib bur bur ka soo gaaray qaybo ka mid ah wadadaani Roobab sanado kala duwan wax yeeleeyay.

Madaxweyne Dani, ayaa warbixin ka dhegaystay mas’uuliyiinta dowladda ee shaqadan gacanta ku haya iyo Injineerada Shirkadda dhisaysa dayactirka wadadaani oo uu maanta kula kulmay deegaanka Buura-wadal oo hadda dayactirka Wadadu marayso.

waxaana Kormeerka madaxwaynaha ku wehelinayay wasiirada Maaliyada, Howlaha Guud, iyo Kusimaha Hey’ada wadooyinka Puntland.

Dowlad goboleedka Puntland ayaa in ka badan 7 million oo dollar oo laga bixinayo qasnada dowlada ku dayac tiraysa wadooyinka Muhiim ka ah ee isku xira deegaanada Puntland uuna soo gaaray burbur kala duwani.