Madaxweynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka soo degey garoonka diyaaradaha Aden Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana si heer sare ah loogu soo dhaweeyay garoonka, iyadoo soo dhoweyntiisu ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo dadweyne faro badan.

Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ee dhowaan ka furmaya magaalada Muqdisho, waxaana hore magaalada caasimadda u sii joogay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali  Cabdullahi  Xuseen (Cali Guudlaawe).