Madaxweynaha oo xariga ka jaray Xaruntii Ciidamada Cirka ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xariga ka jaray xaruntii ciidamada cirka ee Magaalada Muqdisho.

madaxweynaha_soomaaliya

Munaasabadda dib u howlgalinta Xaruntii Ciidamada Cirka ee Afisyoone ayaa waxaa ka qeyb galay taliyaha ciidamada xoogga dalka, taliyaha ciidamada cirka, taliyaha nabad sugidda qaranka, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya.

Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay taliyaha ciidamada cirka ee dowladda Soomaaliya, Gen. Maxamuud Shiikh Cali waxa uuna ku dheeraaday taariikhda ay soo martay xarunta ciidamada cirka oo uu sheegay in ay aheyd meeshii ugu horeysay ee lagu aasaasay ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya. Sidoo kale taliyaha waxa uu bogaadiyay dhamaan dadkii gacanta ka geystay dib u dayactirka xarunta ciidamada cirka oo in muddo ah aanan lagu shaqeyn.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda ka hadlay, taliyaha ciidamada xoogga dalka, Maxamed Aadan Axmed waxa uuna sheegay in dhismaha xarunta ciidamada cirka ay tusaale u tahay horumarka ciidamada qalabka sida uu ka gaaran dib u howlgalinta goobihii taariikhiga ahaa ee ay ku shaqeyn jireen ciidamada dowladda, waxa uuna taliska ciidanka cirka kula dar daarmay in ay ka soo dhalaalaan howlaha baaxadda leh ee ay u haayaan dalka iyo dadka Soomaaliyeed maadaama ay heleen xarun ay ku shaqeeyaan.

Ugu danbeyn waxaa munaasabadda soo xiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xassan Sheekh Maxamuud, waxa uuna ugu horeyntii u mahad celiyay dadkii ka qeyb qaatay dib u dayactirka xarunta ciidamada cirka oo uu sheegay in ay ka muuqatay bur bur xoogan, waxa uuna taliska ciidamada cirka kula dar daarmay in ay dar dar galiyaan howlaha baaxadda leh ee ay u hayaan dalka iyo dadka, si dalka looga samata bixiyo dhibaatada mudada dheer soo jiitameysay.

Xigasho: Sonna

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.