Madaxweynaha Oo xalay kulan muhiima la qaatay Guddida Abaaraha heer qaran iyo heer degmo ee Gobolka Sanaag iyo odayaasha dhaqanka ee gobolkaas

Ceerigaabo – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo xalay u hoyday Magaalada Ceerigaabo isaga iyo weftigii balaadhna ee uu hogaaminayey waxay kulan muhiima la qaateen Guddida Abaaraha heer qaran  iyo heer degmo ee Gobolka Sanaag iyo odayaasha dhaqanka ee gobolkaas, waxaanay ka wada hadleen xaalada abaartu baaxada ay leedahay iyo sida dadkaas wax loo gaadhsiin lahaa.

Kulankan oo ay guddida abaaraha heer gobol warbixin waafiya ka siiyeen madaxweynaha iyo weftigiisa waxa ay soo bandhigeen in xaaladu tahay mid ku adag dadka xoolo dhaqatada ah iyo duunyada ku dhaqan dhulkaa, iyagoo hogo tusaaleeyey soona bandhigay in ay jiraan reero shan goor ka guuray gurigii ay degenaayeen abaarta awgeed ka dib markii xerada ay degaanba marka uu waagu beryo ay ugu tegayeen kala badh adhigii xalay la xareeyey oo bakhtiyey.

Madaxweynuhuna waxa uu u balan qaaday in aanay ka xukuumad ahaan waxba kala hadhi doonin dadkaasi abaartu haleeshay, haday  noqoto gargaarka biyaha, saadka dadka iyo xoolaha wixii awoodooda ah, ka guddi ahaana ay dedaalkooda sii kordhin doonaan marwalba madaxweynuhuna uu ku dabajoogi doono sida ay wax u socdaan si dadka iyo duunyadaba loo badbaadiyo ilaahay ayaa wax badbaadin kare.

dsc_0001 dsc_0000

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.