Madaxweynaha oo Tacsi u diray ehelka Marxuun Yoonis Cali Nuur

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, bahda saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee  MarxuumWeriye Yoonis Cali nuur oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 20/07/2018, dalka Ingiriiska.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey suxufi rug-caddaa ah oo ka baxay bahda sxaafadda Somaliland iyo guud ahaan inta ku hadasha afka-Soomaaliga, isagoo marxuumku ahaa muddo dheer suxufi u adeega bulshadiisa, una ahaa tusaale ku dayasho mudan kana tegay taariikh ma guuraan ah.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda saxaafadda, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.