Madaxweynaha Somaliland oo magacaabay badhasaab ku xigeen

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynah Jamhuuriyadda Somaliland ayaa digreeto madaxweyne ku magacaabay Ismaaciil Cabdi Faarax (Fara dheere) guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Sanaaag.

Digreetaddan ayaa u dhignayd sidan, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-5160/102017 uu ku magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag.

 

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:                    Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Guddoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

 

Markuu Aqoonsaday:        In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Ka Fiirsaday:       Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Ismaaciil Cabdi Xasan (Fara-dheere), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 

  Xuseen Aadan Cige (Deyr)

 

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

Naasir Yuusuf Daahir 

Director Presidential of Media

Hargeisa – Republic of Somaliland”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.