Madaxweynaha oo ka qaybgalay Xafladda Furitaanka Dhismaha Cusub ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta ka qaybgalay xadhigana ka jaray dhismaha wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, dhismahaas oo noqday dhismihii ugu quruxda badnaa guud ahaan wasaaradaha dalka ka hirgalay intuu madaxweyne Silaanyo hoggaaminaayey talada dalka.

DSC_0000

 Munaasibadan oo ahayd mid aad loo soo agaasimay waxa hadalo ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo isugu jiray muwaadiniin iyo xubno ka socday shirkadaha xidhiidhka la leh wasaarada Macdanta, waxaana halkaasi madaxweynuhu uu ka jeediyey khudbad, waxaanu shahaadooyin gudoonsiiyey xubno lagu sharfay sida ay uga qaybqaateen dhismaha quruxda badan ee halkaasi laga bineeyey. Waxaanu yidhi madaxweynuhu “Waxaynu ka wada dheregsanahay halka uu dalkeenu marayey (dhaqaale ahaan iyo horumar ahaanba) markii ay Xukuumadda aan gadh-wadeenka ka ahay talada dalka qabatay iyo halka uu maanta dalkeenu marayo marka dhan walba laga eego. Waxa marag ma doon ah in Xukuumaddaydu ay xaqiijisay is-beddel laxaad leh iyo horumar balaadhan oo la taaban karo oo dhinacyo badan leh Kaasoo uu ugu dambeeyey Heshiiskii Casriyeynta iyo Balaadhinta Dekeda Berbera oo Shalay ay kala saxeexdeen dawlada Imaaraadka Carabta iyo Dawlada Somaliland, waana guul u soo hoyatay qarankeenna.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxa sharaf iyo maamuus ii ah in aan maanta xadhiga ka jaro Dhismahan Bilicda San ee Casriga ah ee loo dhisay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta. Waxaan halkan si mug leh ugu mahad naqayaa Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, mudane Xuseen Cabdi Ducaale iyo Shaqaalaha Wasaaradiisa, maadaama ay suurto geliyeen dhismaha ugu quruxda badan dhismayaasha ay ilaa haatan Xukuumaddu yeelato. Waa dhisme tusaale iyo ku dayashaba u ah qaabka casriga ah ee loo baahan yahay in loo dhiso Xarumaha Dawladda.

 Wasiirka Macdanta iyo Tamarta waxa kale oo aan uga mahad-celinayaa dedaalka iyo kartida uu muujiyey ee uu Shirkadaha Baadhista Shidaalka ku qanciyey inay inaga caawiyaan Kharashka ku baxaya dhismaha iyo qalabaynta Dhismahan Bilicda San ee Casriga ah, taasoo uu culayskii kaga dulqaaday in ay Xukuumaddu bixiso wixii kharash dhisme iyo qalaba ku bixi lahaa Xarunta Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

 Sidoo kale, waxaan jecelahay in aan iyagana halkan si weyn ugu mahad naqo Shirkadihii Baadhista Shidaalka ee iyagu ajiibay codsigii Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, kuwaasoo Xukuumad ahaan naga caawiyey kharshka ku baxay dhismaha iyo qalabaynta Dhismahan Casriga ah ee ay yeelatay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta.

 Waxa kale oo aan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo Shirkadda Dhismaha ee NAJAX oo iyagu Xaruntan dhisay iyo Shirkadda Rio Architects oo iyagu lahaa Naqshadaynta Dhismahan Casriga ah.

 Guntii iyo geba-gabadii, Xaruntan loo dhisay Wasaaradda Macdanta iyo Tamartu waxay kor u qaaday Bilicda iyo Quruxda Caasimadda, cid kasta oo gacan ka geysatayna waan uga mahad naqayaa”.

DSC_0215 DSC_0157 DSC_0002

DSC_0322 DSC_0310 DSC_0315

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.