Madaxweynaha Oo Galabta Kormeer Ku Tegay Dekeda Berbera Iyo Xarunta Sheybaadhka Shudaalka Keydka Haamaha Berbera

Berbera – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ku guda jira hawlihiisa shaqo ee Gobolka Saaxil ayaa galabta Kormeer muhiim ah ku tegay Dekeda Berbera iyo xarunta shaybaadhka ee Keydka Haamaha Shidaalka Berbera.

Kormeerkan madaxweynaha ayaa ahaa indho indhayn uu madaxweynuhu ugu kuurgelayey mashaariicaha horumarineed ee uu dalku ku talaabsaday sanadihii u danbeeyey xukunkana uu hayey madaxweyne Axmed Silaanyo.

Madaxweynuhu Markii uu gaadhay Dekeda Berbera waxa uu warbiximo ka dhegeystay Farsamayaqaanada ka socda Shirkada DP World iyo qaybo ka mida shaqaalaha iyo masuuliyiinta dekeda oo ku gudo jiray hawlo shaqo oo ay ugu weyntahay balaadhinta iyo casriyeynta dekeda Berbera, waxaanay warbixintoodaasi ku sheegeen in ay waxwalba sidii loogu talogalay ugu socdaan ka farsamo yaqaano ahaan, dadka deegaanka iyo masuuliyiinta ama maamulkuna ay si wacan ula shaqeeyaan.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu kormeer kaa la mida ku tegay xarunta shaybaadhka shidaalka keydka haamaha Berbera oo madaxweynuhu sanadkiii 2015 xadhiga ka jaray sheybaadhkaasi, galabtana waxa uu ku tegay kormeer isagoo warbiximo ka dhegeystay saraakiisha sar sare ee gacanta ku haya qalabkaasi, iyadoo uu madaxweynuhu ku beegmay wakhti ay gacanta ku hayaan baadhista iyo kala shandhaynta shidaalka. waxaanay madaxweynaha mid mid ugu sharxeen qalabkii ay gacanta ku hayeen iyagoo madaxweynaha u sheegay inay ku guulaysteen mudadii ay gacanta ku hayeen sheybaadhan shahaado sharaf ay ka heleen hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh sheybaadhada shidaalada, kuwaasi oo ku amaanay hirgelinta iyo xil iska saarida shidaal tayeysan inay Somaliland hesho.

Isku soo wada duubo kormeerkaasi ka dib madaxweynuhu waxa uu u mahadnaqay guud ahaan hawlwadeena iyo masuuliyiinta gacanta ku haya shaqooyinkaasi waxqabad iyo horumarineed dalka ka socda isagoo hambalyo iyo bogaadina u diray shacbiga iyo deegaanka ay hawlahaasi ka socdaan wakhtigan.

Madaxweynaha Qaranku waxa uu isla maanta amray in baabuurta caafimaadka ee gurmadka degdega ah oo ay saaran yihiin hawlwadeenada caafimaadka iyo dawooyin loogu talogalay in wax lagaga qabto dadka ay xaalada caafimaad daro la soo deristay ee abaaruhu soo hayaamiyeen kuna sugan gobolka saaxil loogu adeego inta ay ka gaadhayso, waxaanu madaxweynuhu arrintaasi u wakiishay wasiirka wasaaradda Maaliyada Samsam Cabdi Aadan iyagoo hawlwadeenadaa iyo gaadiidkii ay wateen oo markii hore la socday weftiga madaxweynuhu ay hawshaasi hore ka bilaabeen isla markiiba.
Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.