Madaxweynaha Oo Beesha Caalamka Qaylo Dhaan U Diray Iyo Kulan Uu La Qaatay Guddiga Heer Qaran Ee Abaaraha

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay kulan la qaatay guddiga heer qaran ee abaaraha, kulankaasi oo ka dhacay xarunta qasriga madaxtooyadda waxaana xooga lagu saaray sidii guddiga heer qaran ee abaaruhu ugu gurman lahaayeen dadka iyo xoolaha abaartu mar kale saamaynta ku yeelatay.

dsc_0000

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu marlabaad isugu yeedhay guddidii heer qaran ee abaaraha dalka ee uu u xilsaaray, gudoomiyena ka yahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

dsc_0001

Madaxweynuhu isaga oo ka duulaya xaalada abaareed ee gobolada bariga iyo guud ahaanba dalka Somaliland la soo deristay waxa uu go’aansaday inuu isugu yeedho mar kale xubnihii guddida abaaraha ee heer qaran oo kulan muhiima ku yeeshay qasriga Madaxtooyada Somaliland, Madaxweynuhuna waxa uu uga mahadnaqay guddidaas sidii wanaagsanayd ee ay uga qayb qaateen gurmadkii abaaraha ee hore, wakhtigana ay ka hawlgalaan sidii ay ugu gurman lahaayeen shacbiga iyo xoolaha ku dhaqan deegaamada abaartu saamaysay qayla dhaantuna ka soo yeedhayso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu shacbiga Somaliland meel ay joogaanba iyo dawladaha aduunka, jimciyada quruumaha ka dhacaysa ee (United Nations), midawga afrika, Urur goboleedka  IGAD, Madaxda Jaamacada Carabta iyo midawga yurub, dhammaan beesha caalamka waxa uu ugu baaqayaa in ay abaaro aad iyo aad u adagi ay soo food saareen Jamhuuriyadda Somaliland, xoolaha iyo dadkana ay khatar ku tahay, sidaa awgeedna caawimo degdeg ah loola soo gaadho.

Waxaanu madaxweynuhu si gaara fariin ugu dirayaa guud ahaan ganacsatada dalka iyo shacbiga Somaliland ee ku caan baxay gurmadka walaalahooda tabaalaysan ee ay marwalba sida hagar la’aanta ah ugu gurmadaan oo wakhtigan u baahan in loo gargaaro oo la garab istaago dad iyo xoolaba.

Ugu dambayn markii shirku soo dhamaaday waxa saxaafada la hadlay guddida heer qaran ee abaaraha iyo xubno wasiiro ah, shacbigana ugu baaqay inay gurmad degdeg ah ka geystaan xaaladaa abaareed ee soo foodsaartay walaalahooda gobolada dalka.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

Halkan Ka daawo warka:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.