Madaxweynaha Maamulka Puntland oo kulan la qaatay madaxa hay’adda FAO

Puntland – (warsoor) – Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Isniintii qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa hay’adda FAO ee Soomaaliya Richard Trenched iyo saraakiil ka tirsan xafiiskiisa.

Ujeeddada socdaalka masuulkaan ayaa daarranayd in ay hay’adda FAO kasoo jawaabto Baaqii Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland ee ku aaddanaa in ay beesha caalamku ka qayb qaadato abaaraha baahsan ee kajira Puntland.
Sidoo Madaxweynaha iyo Richard Trenched waxa ay kawada hadleen sidii ay hay’adda FAO maamulka ugala shaqayn lahayd la tacaalidda iyo daaweynta xoolaha Puntland ee ay abaaruhu saameeyeen, kuwaas oo ay lasoo derseen xaalado isugu jira cudurro iyo macaluul baahsan.

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa uga mahadceliyey madaxa hay’adda FAO ee Soomaaliya sida wanaagsan ee uu uga soo jawaabey baaqii Madaxweynaha ee la xiriirey ka qayb qaadashada abaaraha dabada dheeraaday ee ka jira Puntland iyadoona uu madaxweynuhu intaasi ku daray in hay’adda FAO ay tusaale wanaagsan u noqon doonto hay’adaha kale ee ka hawl-gala Puntland.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu sheegay in ay Dowladda Goboleedka Puntland soo dhoweyneyso cidwalba oo doonaysa in ay ka qayb qaadato gurmadka abaaraha saameeyey dadkii iyo duunyadiiba, kuwaas oo u muuqda kuwo ka awood weyn maamulka Puntland.

Xigasho

Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Madaxweynaha Maamulka Puntland oo kulan la qaatay madaxa hay’adda FAO

Puntland – (warsoor) – Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Isniintii qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Madaxa hay’adda FAO ee Soomaaliya Richard Trenched iyo saraakiil ka tirsan xafiiskiisa.