Madaxweynaha Maamul Goboleedka Punland oo Xaflad Sagootin ah u Qabtay Danjirihii Hore ee Midowga Yurub

Garoowe – (warsoor) -Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khamiistan Qasriga Madaxtooyada kulan sagootin ah kula qaatay wakiilka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya Ambassador Michael  Carvone oo ay u dhammaatay muddo xileedkiisii afarta sanno ahayd ee uu joogey xafiiska.

gaas6-1

Kulanka sagootinta Ambassadorka ayaa waxaa ku wehelinayey Madaxweynaha Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Puntland Shire Xaaji Faarax iyo Agaasimaha Guud ee Maxtooyada dawladda Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf, waxaana looga hadlay kulanka intiisii badnayd wadashaqayntii ka dhexaysey dawladda Puntland iyo xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa Ambassadorka guddoonsiiyey hadiyado ka kooban waxyaabaha ay hiddaha iyo dhaqanka u leeyihiin ummadda Soomaaliyeed, iyadoona kulanka kadib ay Madaxweynaha iyo Ambassadorku si wada jir ah shir jaraa’id ugu qabteen Madaxtooyada.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Michael Carvone uu muddadii 4-ta sanno ahayd ee uu xilka hayey uu Midowga Yurub ka hirgeliyey Puntland mashaariic badan oo horumarineed, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen dhinaca waxbarashada, caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha oo ay wax badan ka qabteen.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu tibaaxay in uu Ambassadorku ahaa shaqsi dedaal badan ku bixiyey horumarka Puntland iyo kan Soomaaliyaba muddadii uu xafiiska jooogey, sidoo kalena qayb weyn ka qaatay hannaanka geeddi socodka doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu uga Mahadceliyey Ambassadorka mashaariicdaasi horumarineed ee uu ka fuliyey Puntland, isla waxa uu ugu hambalyeeyey shaqada cusub ee loo beddeli doono, isagoona Madaxweynuhu xusay in ay soo dhoweynayaan cidda kale oo loosoo magcaabi doono xafiiska Midoga Yurub ee Soomaaliya ayna ka filayaan saaxtinimo fiican iyo shaqo wanaag.

Dhinaca kale Ambassador Michael Carvone ayaa Madaxweynaha dawladda Puntland uga Mahadceliyey sidii wanaagsanayd ee ay usoo wada shaqeeyeen muddadii uu xafiiska joogey, isagoona intaa ku daray in ay halkoodii kasii socon doonaan mashaariicdii horumarineed ee uu midowga Yurub ka fulinayey Puntland.

Xigasho: SONNA/News

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.