Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo Iscasilay

Baydhaba – (warsoor) – Madaxweynihii hore ee maamul goboleedka Soomaaliya Shariif Xasan  Sheekh Aadan ayaa maanta iska casilay xilkii madaxweynaha ee maamulkaasi.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sidoo kale sheegay inuu ka hadhay tartanka doorashaada ee maamulkaasi oo la qorsheeyey inay dhacdo 17 bishan November, 2018.

Shariif Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay sababta uu isku casilay in ay la xidhiidho fara galin ay xukuumdda fadaraalka ee Soomaaliya ku hayso doorashadda maamul goboleedkiisa.

Iscasilaada madaxweyne Shariif Xasan ayaa lagu shaaciyey war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.