Madaxweynaha Lubnaan oo wada hadal kula yeeshay magaalada Doha Amiirka dalka Qatar

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweynaha Lubnaan Michel Aoun ayaa wadahadal kula yeeshay magaalada Doha Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani.

Tamim ayaa u diri doona wasiirkiisa arrimaha dibadda Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani Beirut si uu ugala hadlo sidii taageero loogu fidin lahaa Beirut, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Lubnaan.

Qatar “waxay diyaar u tahay inay Lubnaan ka caawiso dhinac walba si ay uga gudubto xaaladaha adag ee sida xun u saameeyay nolol maalmeedka Lubnaan,” ayuu yiri hogaamiyaha Qatar.

Aoun ayaa dhankiisa sheegay in taageerada Qatar ay siiso Lubnaan ay tahay mid ku dayasho mudan, wuxuuna soo dhaweeyay dadaalka Qatar ay ugu jirto maalgelinta mashaariicda horumarineed ee Lubnaan.