Madaxweynaha kiiniya ayaa booqasho taariikhi ah ku booqday ciidamdii furinta kula dagaalamaya Al-shabaab

Somaliya – (warsoor) – Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa maanta booqasho taariikhi ah  ku booqday ciiidamaiisa furinta kula daalamaya  Al- shabaab , kulankan aya ciidamada Kenya ee ka tirsan Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, ayaa tahay xaruuntooda ugu wayni tahay magaalada  Dhoobley.

Waxaa  kale oo la socday Talyaha ciidamada KDF mr. Gen. Samson Mwathethe. Waa safarkii ugu horeeyey Madaxweyne Kenyatta ku booqdo ciimadiisa ku sugan gudaha somaliya ee dagaalka kula jira al shaabka. Kenyatta aya ciidmadiisa kula hadlay xarunta aya goobaha ay difaca ka jiraa waxaanu yidhi

“Idinka ayaa shacab badan  oo Soomaaliya ah badbaadiyey nolosha dad badan, iyo  waliba nolosha  shacab badan oo  Kenyanka ah ugu yaraan waxa ka bixidoonta cabsida al shababka”ayuu yidhi madaxweyne Kenyatta.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan soo noolaaday  waaxdiisa  dalxiiska idinka yaa mahadaa leh oo sugey ammaanka dalka”, isagoo sii wata hadaliisa madaxweynuhu waxa uu taataabtey dhinacyo badan waxanu yidhi, “Waxaan kala hadleynaa in dowladda cusub ee Soomaaliya in ay xoogga saaraan iyaga muhiimadda ay leedahay in la dhiso  ciidamada xooga Soomaaliya si aad dib u tegi kartaan dalkiinii. Taasina waa istaraatijiyada aannu  dib ugu celin karno ciidamada, “ayuu yidhi madaxweyne Kenyatta.

Mar uu ka hadalaayay khasaarihii ka soo gaadhay wararkii ugu danbeeyy waxaa uu yidhi, “khasaarihii ina gaadhay  waxa  uu ahaa   mid khatar ah waxanu inagu reebay xasuus daran. Waana halkan aan taaganaahy maanta, in la yidhaahdo in wiilashii geesiyaashina iyo Gabdhaha reer Kenya ma  ay dhalaan aan micne lahayn baa waa in ay u duceyna geesiyashi inaga dhintay” ayuu yidhi Uhuru.

Taliyaha Ciidamada Difaaca Kenya Gen. Samson Mwathethe oo la socday Madaxweyne Kenyatta isagoo isna ciidamada la hadlayay, waxa uu yidhi “Waxaan maanta ugu faa’iideysanayaa in aan u mahad celiyo ciidamada naftood  hurayaasha  ee ku jira furinta dagaalka”.

Waxa uu rajo ka muujiyay in dowladda cusub ee Soomaaliya ka caawin doonaa in dib u soo celinta nabadda  geeska Africa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.