Madaxweynaha Kenya oo lagu soo dhaweeyay Muqdisho

Muqdisho – (warsoor) –ย Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuru Kenyatta iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa iminka ka soo degay garoonka Caalamiga ah Aadan Cadde magaalada Muqisho, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen masโ€™uliyin ka tirsan dowladda.

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, waxaana uu u yimid ka qeyb galka xafladda lagu caleemo saarayo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo.

Madaxweynaha Kenya ayaa loo gudbiyay halka ay ku suganyihiin wafuudda heerka caalami ee lagu casuumay xafladda caleemo saarka.

Sidoo kale waxaa xarunta ku sugan wafuud ka socoto Dalalka Sudan, Kuwait, Masar iyo kuwa kale ay iminku ku suganyihiin hoolka xafladda caleemo saarka.

 

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.