Madaxweynaha JSL Oo Qaabilay Diblomaasiyiin Ka Beesha Caalamka

HARGEYSA – (WARSOOR) – War ka soo baxay madaxtooyada Somaliland soona gaadhay wakaalladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo Qaabilay Diblomaasiyiin Ka Socday Dalalka Midowga Yurub Iyo UK Oo Dalka U Yimi Indho Indhaynta Doorashooyinka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudune Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda midowga reer Yurub iyo dalka UK oo Somaliland u yimi indho indhaynta doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee maalintii shalay qabsoomay.

Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha weftiga uga mahadnaqay imaanshiyahooda Somaliland iyo muhiimadda ay siiyeen inay kormeeraan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay shacabka Somaliland ku soo dooranayeen goleyaashii meteli lahaa, waxana uu tilmaamay inay Somaliland tahay dal ay si buuxda uga hanaqaadday Dimuqraaddiyaddu.

Madaxweynuhu waxa uu xubnaha Safiirrada iyo Diblomaasiyiinta isugu jira u caddeeyey inay Jamhuuriyadda Somaliland ka go’an tahay inay sii waddo isku filnaanshaha, jidka Dimuqraaddiyadda iyo horumarka, si loo xaqiijiyo hammiga shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu weftiga u sheegay in shacabka Somaliland yihiin shacab bislaaday oo dhawraya nabaddooda iyo deggenaanshaha qarankooda, islamarkaana ay taasi ka muuqatay hannaankii nabadgelyada lahaa ee ay codkooda ku dhiibteen iyo sidii lexejeclada lahayd ee ay u weeleeyeen dardaaranadii kala duwanaa ee uga soo yeedhayey madaxdooda maalmihii doorashada ka horraysay.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu u sheegay xubnaha ka socday dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub iyo UK in Jamhuuriyadda Somaliland ay madax-bannaanayd in ka badan muddadii ay Soomaaliya midnimadu ka dhaxaysay, waxaanu madaxweynuhu xusay sidii uu horeba dunida uu uga sheegay shirkii wada hadalada ee Jabuuti in aanay Somaliland marnaba ka suurageli karin inay dib ugu laabato midnimadii guul-darraysatay ee ay shacabka Somaliland ku hungoobeen 1960-kii.

Madaxweynuhu waxa uu u mahadnaqay shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee muujiyey bisaylka iyo waayo aragnimada ay u leeyihiin doorashooyinka qof iyo codka ah ee caalamku inagu majeerto, hay’adaha amniga oo xil weyn iska saaray in doorashooyinkii shalay inoogu qabsoomaan qaab nabadgelyo ah, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqay xisbiyada Qaranka oo kaalin muhiima ka qaatay in ay inoo dhacdo Doorashooyinkii wakiillada iyo deegaanku, waxa kale oo madaxweynuhu mahadnaq ballaadhan u diray Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo kaalin lama illaawaan ah ka qaatay in dalka ay ka qabsoonto laba doorasho oo is-barkan.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqay goobjoogayaashii caalamiga, diblomaasiyiinta iyo safiirada, saxaafadda maxaliga ah iyo ta caalamiga ah sidii quruxda badanyd ee ay uga qayb qaateen doorashooyinka is-barkan.

Dhinaca Safiirada iyo diblumaasiyiinta oo dhammaantood hadlay ayaa bogaadiyey nidaamkii loo agaasimay doorashooyinka ka qabsoomay Jamhuuuriyadda Somaliland guud ahaan iyo bisaylka dulqaadka siyaasadeed ee ka muuqday shacbiga Somaliland ee u dareeray doorashooyinka inay indhahooda ku soo arkeen shacbi kala duwan oo rag iyo haween leh, xisbiyo kala geddisanna taageersan oo safaf dhaadheer ugu jira in qof walba codkiisa si nabadgelyo ah u dhiibtaan, iyadoo aanay saamaynayn xisbiga qofku uu yahay.

Kulanka waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirka arrimaha gudaha, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaagashiga caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka iyo taliyeyaasha ciidamada Militeriga, Booliiska, Asluubta iyo Sirdoonka.

Xubnaha safiirrada iyo Diblomaasiyiinta isugu jira ee uu madaxweynuhu qaabilay, ayaa waxa kamid ahaa:-

Safiirka Denmark Ambassador Ole Thonke, Safiirka waddanka Finland Ambassador Erik Lundberg, Safiirka Sweden Ambassador Valentin Zellweger , Ku-xigeenka safaaradda Talyaaniga, Mr. Massimiliano Bertollo, Ku-xigeenka safiirka safaaradda Norway Mr. Stian Christensen, madaxa xafiiska safaaradda Ingiriiska ee Somaliland Mr. Stuart Brown, Johan Svensson oo ka socda safaaradda dalka Sweden, Oliver Unverdonben oo ka socda safaaradda dalka Germany, Josefine Jensen oo ka socda safaaradda dalka Denmark iyo Tomas Kirchener oo ka socda xubnaha ku bahoobay midowga Yurub.