Madaxweynaha JSL oo Daahfuray Qorshaha wax ka qabashada Sicir bararka

Hargeysa – (warsoor) – Madaxwayanaha Jamhuuriyadda  Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa furay shirwayne lagaga tashanayo sidii kor loogu qaadi lahaa siyaasada dawladda ee ku  saabsan ganacsiga gaarka loo leeyahay,shirwaynahani oo ay soo qaban qaabisay wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Smaliland waxa kasoo qayb galay ganacsatada waaweyn, guddomiyaha rugta ganacsiga Somaliland,qaar ka mida hay’adaha caalamiga ah iyo xubno ka tirsan golaha Wasiirdda.

Madaxwayanha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo halkaasi khudbad ka jeediyay ayaa waxa uu yidhi “Xukuumadaydu si buuxda ayay uga war haysaa kaalinta ganacsiga gaarka loo leeyahay waxaana ay si fiican uga shaqaysaa xuquuqda ganacsatada iyo qaabkii loo abuuri lahaa deegaan xasiloon oo lagu ilaalinayo shuruuc iyo qorshe istiraatajiyadeed oo kor loogu qaadayo ganacsiga, ujeedadayadu waa in aanu dhiiri galino ganacsiyada gaarka loo leeyahay si loogu guulaysto horumar dhaqaale oo waara iyo koboc ganacsi.

“Xukuumadaydu waxay markii ugu horaysay furaysaa wada tashiga  siyaasada ganacsiga gaarka ah kulankana waxa diirada lagu saari doona siyaasad loo dhan yahay oo kor loogu qaadayo dhaqaalaha dalka oo Somaliland u baahan tahay inay maal geliso si loo gaadho koboc dhaqaale,tartan ganacsi iyo shaqo abuur, waxaan u hambalyaynayaa Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga, rugta ganacsiga iyo wasaaraddaha kale  ee ka qayb qaatay sidii ay u qabsoomi lahayd munaasibadan balaadhan, waxaan ku dhawaaqayaa inay munaasibadu furan tahay”ayuu yidhi Madaxwayanaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silanyo

Halkan ka daawo shirkan shirkadda:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.