Madaxweynaha JSL Oo Cafis U Fidiyey Maxaabiis Loo Haystey Budhcad Badeednimo

Hargeysa – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse biixi Cabdi Waxa Uu Wareegto Madaxweyne Oo Summaddeedu Tahay /JSL/XM/WM/222-350/072019 ,Uu Cafis U Fidiyey Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles ee u xidhnaa falalka Budhcad-badeednimada .

Waxaanay U Dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad xubintiisa 5aad;

Markaan Arkay: Xeerka Wareejinta Maxaabiista, Xeer Lr. 53/2012, Qodobkiisa 16aad iyo Qodobkiisa 20aad xubintiisa 2aad; oo dhigaya in Madaxweynuhu cafis u fidin karo maxaabiista laga soo wareejiyey Dal kale, si la mid ah awoodaha cafiska ee ku tilmaaman Qodobka 90aad, faqradiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markaan Arkay: Maxaabiista u xidhan falalka budhcad-badeednimo ee lagu soo xukumay dalka Seychelles ay Jamhuuriyadda Somaliland u aqbashay xabsi ku hayntoodu ay ahayd in ay ka qayb-qaadato dadaalladii Caalamiga ahaa ee la dagaalanka budhcad-badeedda, oo halis wayn ku hayay Bad-weynta Hindiya iyo Badda Cas;

Markaan Arkay Ujeeddada heshiiska Jamhuuriyadda Somaliland la gashay Dalka Seychelles ee soo wareejinta maxaabiista u dhalatay dalka Soomaaliya ay ku salaysnayd arrimo bani’aadannimo oo ay ka mid tahay in maxaabiiistu helaan dal ay bii’addiisa diin ahaan, dhaqan ahaan, iyo luuqad ahaanba fahmi karaan, loona soo dhaweeyo ehelladooda, maaddaama xaaladaha amni ee ka jiray dalkoodu aanay suurtagalinayn in loo wareejiyo xabsiyadooda;

Markaan Arkay; Maxaabiista u xidhan dambiyada budhcad-badeednimadu in muddadii ay ku jireen xabsiyada Jamhuuriyadda Somaliland loo sameeyay dhaqan-celin iyo toosin, taasina ay keentay in ay la yimaaddaan dhaqan iyo akhlaaq wanaagsan, kana tanaasulaan falalkii budcad-badeednimo;

Markaan Tixgaliyey: Codsiga Madax-dhaqameedka, waayeelka iyo ehellada maxaabiista budhcad-badeednimada u xidhan ee laga soo wareejiyey Dalka Seychelles;
Markaan Helay: Qoraalka soo-jeedinta Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/168/2019, kuna taariikhaysan 24/07/2019;

Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan cafis gaara u fidiyo Maxaabiista laga soo wareejiyey Dalka Seycheles ee u xidhan falalka Budhcad-badeednimada, kuwaas oo kala ah:
1) Maxamed Axmed Ciise2) Cadow Cali Cismaan3) Cabdillaahi Yuusuf Xirsi4) Axmed Cali Cismaan5) Axmed Cali Siciid6) Maxamed Axmed Cali7) Bashiir Khaliif Xaashi8) Cabdirisaaq Maxamed Cali9) Cabdifataax Axmed Xasan10) Nuur Maxamed Aadan11) Jamaal Maxamed Cali12) Cali Maxamed Cali13) Cabdillaahi Maxamed Xasan14) Cabdi Tahliil Xasan15) Daahir Cabdillaahi Warsame16) Cabdiqaadir Cabdi Cali17) Cabdinuur Xaaji Aadan18) Maxamed Maxamuud Xasan19) Abuukar Axmed Ciise
Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi CabdiMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
— 

Nasir Yusuf DahirDirector of the Presidential Media DepartmentHargeisa – Republic of Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.