Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Oo Dalacsiiyay Hablo Saraakiil Ah Oo Ka Tirsan Booliska Somaliland

HARGEYSA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Biladdo gudoonsiiyey qaar ka mid hablaha saraakiisha ee ka qalin-jabiyey xarunta tababarka ciidamada ee Somaliland.

Kulanka uu madaxweynuhu ku qaabilay hablahan katirsan ciidanka Booliska Somaliland, ayaa waxa ku wehelinayey taliyaha ciidanka Booliska, sarreeyo guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) iyo taliyaha ciidanka birmadka gaashaanle sare Cabdi Axmed-tiir iyo ku-xigeenkiisa, gaashaanle dhexe Khadar Maxamuud Cabdilaahi, waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo, laguna dhiirrigelinayo hablaha Booliska ah ee dallacay.

Ugu horrayn taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi iyo taliyaha ciidanka Birmadka, gaashaanle dhexe Cabdi Axmed-tiir oo halkaas ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga mahadnaqay kaalinta dhiirrigelinta iyo taageerada leh ee uu ka qaato ciidanka Booliska iyo dhismihiisa.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey hablaha dhallinyarada ah ee ka tirsan ciidanka Booliska, kuwaas oo maanta u dallacay derejooyin cusub, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waan idin soo dhaweynayaa, waan idin hambalyeynayaa qolodiinna dallacday, tacliinta sii wada oo sii kordhiya, waana idiin ducaynayaa inaad horumar badan samaysaan dhinac walba.

”Madaxweynuhu waxa uu ku dheeraaday kaalinta ay haweenku ugu jiraan bulshada iyo sida ay shacabku ugu kalsoonyihiin shaqooyinka ay gacanta ku hayaan iyo filashada wanaagsan ee ay astaanta u yihiin, “Dumarku awood bay u leeyihiin inay dadka wax ka dhaadhiciyaan, weliba dadku hablaha way maqlaan, waayo waa Hooyo, waa naxariis, markuu qofku dumar yahay qofka soomaaliga ahi waxa uu ka filayaa waa naxariis, taakulayn iyo waxtar,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu hablaha katirsan ciidanka Booliska kula dardaarmay inay si hufan bulshadooda ugu adeegaan, shaqada ay qaranka u hayaanna u hagar baxaan.