Madaxweynaha JFS oo siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Abu-Duba

Abu-Dubai – (warsoor) – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Abu-Dibai ee Caasimadda halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Sida ay SONNA u xaqiijiyeen saraakiil katirsan Madaxtooyada Soomaaliya,Waxaa ku wehliya safarka Madaxweynaha Wasiiru Dowlaha Arrimaha dibadda C/qaadir Axad Khayr,xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya,talayaal iyo xubno kale.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmi doona madaxda Isutaga Imaaraadka Carabta,waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan waxaa kamid ah xoojinta xiriirka labada dal,iskaashiga dhinacyada Ammaanka,dhaqaalaha iyo ladagaalanka arggagixisada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Waa markii labaad ee uu socdaal ugu ambabaxo dalka Imaaraadka Carabta tan iyo markii la doortay.

Dowladda Soomaaliya ayaa xiligaan wada dadaal xoogan oo dalka looga xoreynayo Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana taasi ay keentay in ciidamada xoogga ay howlgalo ka bilaabaan meelaha lagu tuhmayo in ay ku dhuumaaleysanayaan Maleeshiyaadkaasi.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.