Madaxweynaha JFS Oo La Kulmay Madaxda Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sh. Maxamuud, ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliyeed Gen Liibaan Cali Yaroow.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa ugu horrey warbixin ka dhageystay Madaxda Maxkamadda Ciidamada, iyagoo ka warbixiyay howlaha adag ee ay makamadda ciidamadu u heyso qaranka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud ayaa Labada Masu’uul ku ammaanay shaqada adag ee ay sida daacadnimada ah u guteen Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo Gen Liibaan Cali Yaroow mudadii Afarta Sano ee la soo dhaafay oo ay maxkamaddu qabatay shaqooyin waaweyn, kuwaas oo aan wax qaladaad ama cabashooyin ah ka imaan.

“Saraakiil dhallinyaro ah oo si daacadnimo ay ku jirto ugu qidmeeyay shacabkooda ayaa tihiin waana tan aad ku muteysateen ammaanta iyo bogaadinta ka imaaneysay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, waxaana idinku guubaabinayaa in aydaan cidna uga hibeysanina shaqada garsoorka ee aad qaranka wakiilka uga tihiin, taas ayaana alle idinkula xisaabtamayaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida Gen Liibaan Cali Yaroow ayaa Madaxweynaha ugu mahadceliyay sida wanaagsan ee uu ula shaqeeyay Maxkamadda, isagoo hoosta ka xariiqay in xukunadii kala duwanaa ee ay Maxkamadda Ciidamada ridday ama fulisay aanu wax faragalin ah uga imaan xafiiska Madaxweynaha.

Ugu dambeyn Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute iyo Gen Liibaan Cali Yaroow waxa ay Shahaado Sharaf Guddoonsiiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sh Maxamuud.

madaxweynaha_soomaaliya-gudoomiyaha-maxkamadda-ciidamada

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.