Madaxweynaha JFS oo daah furay Barnaamijka Dariseynta Gobolka Banaadir

Muqdisho – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta booqday Degmada Waaberi halkaas oo ay ka socotoy dardargelinta hawlaha dariseynta Gobolka Banaadir.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa halkaasi ku daah furay Barnaamijka Dariseynta oo door muhiim ah ka qaadanaya xaqiijinta Nabad-galyada iyo daadejinta adeegyada Bulshada Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Dalka ayaa kula dardaarmay shacabka Degmada Waaberi in ay Nabadda ilaashadaan, kalana shaqeeyaana laamaha amniga iyo maamulka Gobolka sidii loo sugi lahaa Amniga, loona baahin lahaa adeegyada bulshada ee ay shacabka degmadu doonayaan.

Munaasabadda lagu daah furayay Barnaamijkan Dariseynta Waxaa joogay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Mas’uuliyiin kale.

 

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.