Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ka hadlay shirka IGAD ee Muqdisho ka dhacaya

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa oo warbaahinta kula hadlay madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka midyihiin shir madaxeedka IGAD ee ka dhacaya Muqdisho, ammaanka iyo waddooyinka xiran.

ib0a1415-1024x683

Madaxweynaha ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu ka dhacayo shir madaxeedka Urur Gobaleedka IGAD kaas oo fure u ah kulamo kale oo caalami ah oo caasimaddu ay marti galinayso.

“Waa arin wayn in taariikhda markii ugu horaysay dalka ay ku shiraan madaxda urur Gobaleedka IGAD, iyadoo horay ay dalka ugu shireen wasiirada arrimaha dibaddda ee dalalkaan.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada iyadoo looga goleeyahay inaysan dhicin wax qal qalgalin kara amaanka magaalada iyo shirka sida uu sheegay madaxweynaha Jamhuuriyadda.

“Waxaan shacabka ku boorinayaa inay la shaqeeyaan hay’adaha amaanka, sidoo kalana ay u dulqaataan wadooyinka loo xiray sababa xagga ammaanka ah.”Sidaasi waxaa yiri Mudane Xasan SHeekh Maxmuud.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay shirka Madasha Qaran ee wali ka socda magaalada Muqdisho wuxuuna sheegay inuu meel wanaagsan marayo.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.