Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Hambalyo u diray Hay’adda NISA

Muqdisho – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa hambalyo ku aaddan sannadguuradooda 47-aad u diray ciidanka hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka kaddib munaasabad loogu dabaal-dagayey xuskaasi oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna taliyaha guud ee ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka qeyb-galay munaasabddaan  lagu xusayey sanandguurada 47-aad ee aas-aaska hey’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee  (NISA) oo la dhisay sannadkii 1970-kii 8-adii Jannaayo.

“ugu horreyn waxaan hambalyo iyo boggaadin u dirayaa taliska, saraakiisha saraakiil xiggeennada, iyo ciidammada Hey’adda oo u dabaal-dagaya 47-guuradooda, hey’adda NISA waxa ay  u taagan  tahay jiritaanka madax bannaannideena, waxaan ku ammaanayaa dedaalka iyo horumarka ay sameysay sannadkii u dambeeyey ee 2016-ka, sida ay u laba jibbaareen ka hortagga qaraxyada, la dagaallanka argagixisada iyo xasilinta magaalooyinka ku jira gacanta dowladda, ayuu yiri madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyey dalalka iyo hey’adaha kala duwan ee Soomaaliya ka gacan siiya arrimaha amniga oo ah qaddiyadda ugu weyn ee dalkeennu u baahan  yahay in laga dhiso, lagana taageero.

“u hoggaansamidda iyo ilaalinta sharciga dalka waxaa sal u ah amniga, ciidankuna waa kuwa fuliya howlahaasi, haddii ABBEE idmo Barlamaanka 10-aad  cusub waxaan ka rajeyneynaa in uu dadajiyo sharciyada muhiimka u ah amniga, sida kan la dagaalllanka argagixisada iyo sharcuu kale oo badan, waxaa hubaal  ah in hey’adda NISA ay ballaaratay,  dhowaanna waxaan gaari doonaa iyadoo xadduudaheena oo dhan ay xogta uga keeni doonaan si casri ah, hey’adda uma taagna oo keliyan in Al-Shabaab ay la dagaallanto, laakiin waxaa saaran masuuliyaddii Qaranka ee amniga oo dhan waanan rajeynayaa in aan ku guuleysan doono shaqadaasi culus” ayuu yiri madaxweynaha Dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

ugu dambeyn madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan hey’adaha amniga, si gaar ahna ay xogta cadowga uga gacan siiyaan hey’adda NISA, Sidoo kale madaxweynaha ayaa ku ammaanay taliyeyaashii soo maray hoggaanka NISA dedaalkii ay uga soo qeyb-qaateen dhismaha heyadda, waxaan ku dedaali doonnaa in dib u eegis lagu sameeyo sharciga ay ku dhisan tahay NISA,  ayuu hadalkiisa ku gabogabeeyey madaxweynaha.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.